Xaflad qurux badan oo lagu soo afmeeray koobkii bisha Ramadaanka ee magaalada London(Daawo).

Posted on Sep 15 2010 - 9:01am by News Desk
Tweet
Pin It

SDC14868Bartamaha (London):- Waxaa xaflad balaaran  lagu qabtey maqaayada Caynu shamsi oo ku taal Waqooyiga magaalada London halkaasi oo lagu qabtay munaasabad qurux badan.

Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee degan magaalada London, run ahaantiina waxay ahayd xaflad ay ka muuqatey farxad, raynreyn iyo saaxiibtinimo isboorti .

Furitaanka barnaamijka xaflada warbixino ayaa looga dhagaystey soo qabanqaabiyayaasha koobka Ramadaanka London kuwasoo kale ahaa Mudane Abuukar Cabdi iyo Gudoomiyaha koobka Ramadaanka London 2010 Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali ”Dhumaaye” kuwaasoo faahfaahin kooban ka bixiyay qaabka koobka Ramadaanka London ku bilaabmay iyo sababta ay cashada ugu qabteen caawa bahda isboortiga.

Koobka Ramadaanka London waxa u jiraa  7 sanadood, ujeedada loo qabteyna waxaa weeye inaan ku soo xasuusano koobkii Ramadaanka ee xiisaha lahaa ee lagu qaban jirey magaalada Muqdisho barisamaadkii ayaa ka mid ahaa hadaladii Jaalle Dhumaaye.

Waxaa halkaa hadalo qiimo badan ka jeediyay odayaashii isboortiga  iyo qaar ka tirsanaa ciyaartooydii hore ee Soomaaliya ee degan magaalada London sida Mudane Axmed Cabdi Daahir ”Shell”, Mudane Danjire Maxamed Axmed Caalin, Mudane Garyaqaan Xuseen Diiriye,Mudane Cabdiqaadir Isoomareey,Mudane Axmed Nuur ”Sayga Ruushka”,Mudane Maxamed Faaqid, Mudane Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye,Mudane Maxamed Cali Bilaal,Mudane Xasan Xuseen, Mudane Maxamed Cali iyo Mudane Maxamed Buuwe, kuwaasoo sheegay in loo baahan yahay in sida caawa oo kale hal meel la iskugu yimaado, wax walbana loo qabto fiisabililaahi iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed wax loo qabanaayo, islamarkaana waxay ka digeen in koobka Ramadaanka ee lagu qabtey magaalada London inaysan dhicin in koox kale ka garab furo sanadka dambe balse la xoojiyo koobka Ramadaanka London.

Kadibna waxaa halkaasi koobab lagu gudoonsiiyay kooxihii kaalimaha kowaad,labaad, garsoorihii garsoorihii iyo ciyaartooydii ugu wanaagsaneyd koobka Ramadaanka London 2010:

·    Kaalinta Kowaad koobka Ramadaanka kabtanka kooxda Friday FC  Ciyaaryahan Mahdi Axmed Diiriye ayaa ka gudoomay koobka Mudane  Danjire Maxamed Axmed Caalin.

·   Kaalinta Labaad koobka Ramadaanka kabtanka kooxda Wembley FC(Ansalooti) ciyaaryahan Aweys Amoore ayaa ka gudoomay koobka Mudane Cabdulqaadir Isoomarey.

·        Mudane Cabdikariin Warsame Rooti ”Madaxeey” Garsoorihii garsoorayay  koobka Ramadaanka ayaa isna la gudoonsiiyay koob sharafeed, waxana uu ka gudoomay Mudane Maxamed Macalin.

·        Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa Koobka Ramadaanka ciyaarayahan Cabdi Daahir Gacamey  ayaa isna ka gudoomey koobka ”Best Player” ciyaaryahan hore Zakariye Maxamed Baliile(Muqdisho).

·        Ciyaaryahankii ugu Goalal dhaliska badnaa koobka Ramadaanka ciyaaryahan Cali ayaa isna ka gudoomay koobka ”Top scorer” ciyaaryahan hore Xaaji Jeenyo(LLPP).

·        Macalinkii ugu wanaagsanaa koobka Ramadaanka waxaa noqday macalinka kooxda Nabadda FC Cabdifataax, waxaana koobka gudoonsiiyay ciyaaryahan hore Axmed Bile (Jeenyo).

·        Ciyaaryahankii ugu da’yaraa koobka Ramadaanka ciyaaryahan Cabdulaahi Maxamed Ciise,”Best young Player” koobka waxaa gudoonsiiyay ciyaarayahan iyo macalin hore kubadda gacanta Maxamed Ganay oo ahaa marti isboorti ka yimid dalka Sweden gaar ahaan magaalada Gotenburg.

·        Ciyaaryahan Mahad ayaa noqday daaficii ugu wanaagsanaa koobka Ramadaanka”Best defender”, waxaana gudoonsiiyay koobka Mudane Maxamed Cabdulaahi ”Shigshigoow” oo ahaa marti isboorti ka yimid dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Washington Seattle.

·        Goalhayihii ugu wanaagsanaa koobka Ramadaanka waxaa noqday kabtanka kooxda Ansalooti ”Wembley FC” goalhaye Osman Ozee, waxaana koobka gudoonsiiyay Mudane Cabdi Rabi oo ahaa marti sharaf isboorti ka yimid dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto.

Abaalmarinada markii la wada bixiyay ayaa waxaa si wadajir ah loogu wada qararamsadey( lagu lafaruugay) casho sharaftii loogu talagaley xiritaanka koobka Ramadaanka magaalada London, kadibna waxaa loogu mahadceliyay Suldaan Cali Baashi milkilaha Qaran ‘’Driving School’’  oo ahaa maalgaliyaha koowaad ee casho sharafta, barnaamijkana waxaa si wanaagsan u xiriirinayay Eng.Jumcaale oo ka tirsan gudiga qabanqaabada koobka Ramadaanka London 2010.

Waxaa xusid mudan inaan idin sheego dhalinyarada kale ah Dahir, Cabdikariin , Yaasiin, Abuukar iyo Dhumaaye inay ahaayeen dadkii suurtagaliyay  in koobkan oo 7 sanadood  soo jirey in loogu dabaaldego sanadkaan si ka wanaagsan sanadiihii la soo dhaafey.

Daawo Sawirada:-

SDC14841

SDC14845

SDC14836

SDC14868

SDC14837

SDC14839

SDC14835

SDC14834

SDC14833

SDC14829

SDC14827

SDC14822

SDC14816

SDC14815

Yusuf Yusuf

[email protected]

London