read more »">
Calendar

Hay’ado samal fal oo Maraykan ka codsaday inuusan carqaladayn howlaha xawaaladaha Soomaalida

Hayadaha sama falka ee Soomaaliya ka howl gala ayaa dowladda Maraykan ugu baaqay inay ka laabtaan go’aan kii ahaa in ay xiraan akoonada xawaaladaha Soomaalida ay ku leeyahiin bangiyada kuyaala dalkaasi.
Hay’adaha OXFAM iyo Adeso ayaa ka codsadey in aanan xiligan la carqaladaynin xawaalada ha Soomaalida ee ka howl gala dalka Maraykan maadaama ay Soomaali badani ku tiirsan tahay.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in haddii la xiro akoonadda ay xawaaladaha Soomaalidu ku leeyihiin bangiyadda Maraykanka ay keeni karto dhibaato dhaqaale oo Soomaalida gudaha ku nool ku habsanaysa.
Deggan Cali oo madax ka ah hay’add ka shaqaysa arrimaha samafalka oo Adeso la yiraahdo ayaa ayadoo ku sugan magaalada Nairobi waxay taleefoonka ugu sheegtay wakaaladda wararka Shinwaa in dhibaato adag ay ka dhalan karo haddii la xanibo hawlaha lacag ay hayaan shirkadaha xawaaladaha Soomaaliya ee Maraykanka ku yaala.
“Soomaaliya mar kale ayay macaluul ka dilaaci karto sababtoo dad badan Soomaaliyeed oo Maraykanka degen ayaa eheladooda oo Soomaaliya jooga lacago u dira marka waan ka digaynaa” ayay tiri Degen Cali haweeneyda la yiraahdo
Sidoo kale hay’adda Oxfam oo fadhigeedu yahay dalka ingiriiska ayaa ugu baaqday waaxda maaliyada Maraykanka inay qaado tilaabo ay uga hor tagayso go’aanka ay bangiyadda Maraykanku ku doonayaan inay joojiyaan xiriirka ay xawaaladaha Soomaaliya la leeyihiin .
Oxfam waxay sheegtay in nolosha dadka Soomaaliyeed wax ka badan 40% ay xiran tahay lacagaha dibaddaha loga diro.
Warkaan waxaa uu yimid markii Bangiyadda Maraykanka ku yaala ay ku dhawaaqeen inay xirayaan Akoonadda ay ku leeyihiin xawaaladaha Soomaalida kana laabanayaan heshiiskii ay kula jireen.
Maraykanka ayaa aaminsan in lacagaha Soomaaliya loo soo diro ay badankood gacanta u galaan Al-Shabab oo Maraykanku urur argagixiso u aqoonsan yahay.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: