Calendar

HRW oo eedaysay hanaanka Maxkamada ciidamada Soomaaliyeed u fuliso xukunada

hay’adda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa war bixin ay ku dhaleecaynayso hanaan ka ay maxkamada ciidamada Qalabka sida u fuliso xukunada.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in hay’adda oo la kulantay Sodomeeyo ruux oo qaarkood ehelkooda ay maxkamadu xukuntay ay ku ogaatay in xataa dadka ay xukunto maxkamadu qarenadda u dooda aysan helin fursad ay ugu doodaan eedaysanayaasha ay difaacayaan.

Human Rights Watch waxay sheegtay in tan iyo sanadkii 2011 ay maxkamada ciidamada Soomaaluiya fulisay boqolaal xukun oo aan cadaalad aheyn habka loo marayna uu deg deg ku jiray.

Sanadkii lasoo dhaafay in ka badan 10 ruux ayay hay’addu sheegtay inay xukun dil ah riday oo qaarkoodna la dilay taasoo hay’addu sheegtay inay dhaawac ku tahay xeerka aas aasiga ah ee xaquuqda aadanaha.
Maxkamada ayay hay’addu sheegtay inay qaado dacwado loo haysto askar ciidamada dawlada ka tirsan iyo dadka lagu tuhmo inay Shabab ka tirsan waxaana ay talo ahaan usoo jeedinaysaa in kiisaska shaqsiyaadka aan cidamada ka tirsanayn loo wareejiyo maxkamadaha rayidka ah.

“Dhagaysiga dacwadaha loo haysto eedeysanayaasha waa inay ahaadaan kuwo lagu kalsoonaan karo qareenaddana fursad la siiyo si looga hor tago dhibaateynta xaquuqal Isnaanka.

Waxaa sidaas yiri ku xigeenka agaasimaha hay’adda Human Rights Watch ee Africa haweeneyda la yiraahdo Leslie Lefkow, waxaana ay intaa ku dartay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u qaabeyn lagu sameeyo maxkamada ciidamada.

Leslie Lefkow, waxay xustay in inkastoo ay waqti qaadanayso dhisida hanaanka garsoorka dalka haddana loo baahanyahay in dhagaysiga kiisaska shacabka loo baahanyahay inay qaadaan maxkamadaha rayidka maxkamada ciidamadana ay qaado eedaha ciidamada loo haysto oo kaliya .

Warbixinta oo soo xiganaysa qareen Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay in gudoonka maxkamada ciidamada ay aaminsan yihiin inay yihiin kuwo awood leh oo ay adag tahay in racfaan laga qaato xukun ay rideen.
Waa markii labaad oo hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha ay dhaliilaan qaabka ay dacwadaha u qaado maxkamada ciidamada qalabka.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: