Calendar

Faahfaahin: Weerarkii guriga xildhibaanda Soomaaliyeed

Waxaa Faah faahin Dheeraad ah ay ka soo baxaysaa Weerar Xoogan oo Goor dhaw Xarunta baarlamaanka Somalia ay ku qaadeen Dagaalamayaal al shabaab ah oo Gudaha u galay Xarunta Baarlamaanka halkaas oo mudo laga maqlay rasaas Xoogan iyo Qaraxyo waa weyn oo Qaarkood gawaari loo Adeegsaday .

Dadkii xarunta baarlamaanka ku sugnaa oo ay ku jiraan Xildhibaanadii oo uu wehliyo Gudoonkooda sare, Wariyayaashii Warka u doonay Xarunta shaqaalaha baarlamaanka iyo Xitaa qaar ka mid ah Ciidamadii Ilaaalada ka ahaa xarunta ayaa lagu soo waramayaa in ay Xoog ku jabsadeen Al baab xiga dhanka Degmada Warta Nabada oo ahaa Al baab xirnaa LKN Dantu Keentay in Xoog lagu jabiyo .

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Dagaalamayaashii al shabaab Ee Xarunta Weeraray Qaarkood ay gudaha u galeen masaajidka is Bahaysiga Islaamka oo aan ka Fogeyn Halka Weerarku ka socdo Ee xarunta Baarlamaanka Halkaa oo ay ku hareereysan yihiin Ciidamada amaanka iyo kuwa AMISOM Lamana saadaali karo Xaalada sida ay ku dambeyn Doonto .

Ma jiro ilaa hada Mas,uul ka hadlay Weerarka Xarunta Baarlamaanka maanta lagu qaaday Khasaaraha ayaa la soo sheegayaa in ilaa hada uu ku egyahay oo kaliya Ciidamada amaanka Goobta sugayay iyo Kooxdii weerarka soo qaaday Waxaana ay Noqoneysaa Xaruntii sadaxaad Ee Dalka ugu sareeysa Ee shabaab Weeraro.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: