Calendar

Diyaar garowga Caleema saarka boqorka Daarood oo si wayn Qardho uga socda

Diyaar garowga caleema saarka boqorka guud ee beelaha daarood oo si wayn looga dareemayo xarunta gobolka Karkaar Qardho ee Puntland.
Caleema saarka iyo caano shubka boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf ayaa ku aadan maalinka Axada ee bishu tahay 25.

Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada caleemo saarka Nuur Maxamed Nuur oo horey u ahaan jiray gudoomiyihii hore ee daladda Punsaa ayaa warbaahinta u sheegay inay qaban qaabadu marayso meel fiican oo gabagabo. Wuxuuna sheegay in la dhisay guddiyo kala duwan oo howsha caleemo saarka qaabilsan.
Nuur Maxamed Nuur wuxuu sheegay inay xaflada kasoo qeyb galidoonaan madax kala duwan oo ka socota dowladda federalka, dowladda Puntland, Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya , Soomaaliland, Jubuti ,Yemen iyo madax dhaqameed kasocota 5ta qabaa’il ee Soomaaliya.
Haatan ayuu sheegay inay diyaarinayaan goobtii lagu qaban lahaa xaflada. Isagoo sheegay in la diyaariyay 50 guri oo ay dagidoonaan martida imaanaysa magaalada Qardho oo lagu casuumay xaflada..
Amaanka magaalada Qardho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo laga digtoonaanayo wax walba oo keeni kara nabad galyo darro inta lagu jiro munaasabada.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: