War deg-deg ah:- Shabaabka oo banaanbaxyo ka agasimay dhulka ay maamulaan.

Posted on Sep 15 2010 - 10:03am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC03992Bartamaha (Muqdisho):- Wararka naga soo gaaraya dhulka ay Alshabaab ka maamulaan Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in banaanbax balaaran uu ka bilowday dhammaan deegaanadaasi.

Banaanbaxa oo bilaabanayay barqanimadii maanta ayaa waxaa soo abaabulay Waaxda Dacwada Kooxda Alshabaab oo mar qura banaanbax ka agaasintay dhulka ay ka haystaan Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa ka socanaya Jubooyinka,Shabeelooyinka,Banaadir,Hiiraan,Gedo iyo Bay iyo Bakool oo alshabaab ay ku xooganyihiin dhulkaasi iyagoo ka soo horjeeda gubitaankii Kutubka Qur’aanka Kariimka.

Afhayeenka Alshabaab oo shacabka hadal u jeedinayay isagoo la hadlayay Idaacadaha afkla shabaabka ku hadla ayaa sheegay in ay manta u taaganyihiin difaaca Kitaabka Alle islamarkaana ay gubayaan wax walba oo gaalada ay jecelyihiin.

Cali Dheere waxa uu dhammaan qof walba oo Muslim ah ka dalbaday in ay banaanbaxa timaado si ay u muujiso shucuurkeeda ku aadan sida ay uga xuntahay in la gubo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Banaanbaxa ayaa ah mid balaaran oo ka socanaya deegaano badan waxaana dadka qaar ay gubeen Calamada dalal kala duwan oo ka mida wadamada reer Galbeedka iyagoo doonaya in ay ku cara galiyaan Wadamadaasi.

Wixii soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]