read more »">
Calendar

Wafdi ka socday Hey’ada Q.M oo caga dhigtay Degmada Buulo Burde

Wafdigan ka socday Hey’adaha Qaramada Midoobey ayaa shalay tagay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab, iyadoo degmada ay ka jirto qiimo koror ku yimid maciishada.

Gudoomiyaha degmada Buulo Burde C/casiis Durow Cabdi oo Lahadlay Idaacadda BBC Laanta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in wafdiga Qaramada Midoobey ay isugu jireen dhowr hey’adood, iyagoo u kuur galayay xaalada bani’aadanimo ee degmada.

“dhowr hey’adood ahaayeen, sida WHO, WFP, UNICEF iyo kuwo kale, xaalada deegaanka u kuur galayeen, ma laha adeegyadii caafimaadka, sida isbitaalkii hooyada iyo dhalaanka, degmada waxaa ka jira qiimo koro maciishada ah, degmadan markii laga xoreeyay kooxihii nabad diidka wax hey’ado ma imaan”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Buulo Burde oo wareysi siiyay idaacada BBC-da.

Waxaa uu sheegay in hey’adaha Qaramada Midoobey ay la kulmeen saraakiisha ciidamada AMISOM, ayna ka wada hadleen sidii gar gaar loo soo gaarsiin lahaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay dib ugu soo laabanayaan dadkii ka barakacay degmada, hase ahaatee waxaa uu xusay inay ka jirto qiimo koror ku yimid maciishada, kadib markii Al-Shabaab ay ka go’doomiyeen degmada badeecadihii geli jiray.

sikastaba Degmada Buulo Burde ayaa aheyd fariisinkii ugu weynaa Al-Shabaab ku lahaayeen bartamaha Soomaaliya, halkaasoo bishii Maarso ee sanadkan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka socda Jabuuti.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: