read more »">
Calendar

Gabar da’yar oo lagu qabtay Baladwayne xili ay ku guda jirtay qarxinta gegida diyaaradaha ee baladwayne

Waxaa maal mahan danbe socday howl galo ay ciidamada AMISOM ay ka wadeen xarunta gobolka hiiraan ee Baladweyna halkaas oo maanta lagu soo gaba gabeeyay.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo ka hadlayay howl galadan ayaa carabaabay in ay jirto gabar da’yar oo lagu soo qabtay wal xaha qarxa, sidoo kalana looga shakisan yahay in ay qarxin laheed gagida duyyuuraha magaalada Baladwayne.

Gudoomiye Afrax ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi lasoo qab qabtay ay ku jirtay Gabar aad u da’ yar taasi oo dooneysay in ay isku qarxiso Garoonka diyaaradaha Magaalada B/weyne ee Ugaas Khaliif Airport.

Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa waxaa uu sheegay howlgalka ay Ciidamada ay sameynayaan ay sii laba jibaarayaan si loo xaqiijiyo Amaanka Magaalada Baladweyne waxaana uu ugu baaqay dadka Shacabka ah ee ku nool Magaaladaas in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka.

Baaritaanada ay sida wada jirka ah u wada fulinayaan Ciidamada amaanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM Ee ka socda Dowladda Djibouti ayaa waxaa ay joogto ka ahaayeen Magaalada Beledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan Halkaa oo ay Dad badan ku qab qabteen Maalmihii Dambe .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: