read more »">
Calendar

Wariye Al-shabab ah oo Muqadisho lagu soo bandhigay

Hay’adda nabad sugida ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wiil dhanlin yaro ah oo ku eedaysan inuu ahaa shaqaaale ka tirsan Idaacada ku hadasha adka Al-shabab .

Shakhsiga Nabad Sugida soo bandhigtay waxa magaciisa lagu sheegay Maxamed Khaasim kaasi oo da’diisu udhaxeysa 20 ilaa 25 sano jir iyadoona uu saxaafada ka hor qirtay inuu la shaqeynayey Al Shabaab.
Maxamed Khaasim ayaa sheegay inuu wax ka ogaa falal kala duwan oo Xildhibaano baarlamaanka Somaliya katirsanaa lagu dilay isagoo dhinaca kale sheegay in Wiil lagu Magacaabo Farxaan oo isku mar lawada qabtay uu gaariga la saaray iska tuuray sidaana uu ku dhintay ayna kawada tirsanaayeen Al Shabaab sida uu yiri.

Farxaan ayaa waxa Saaka radio Kulmiye waxay baahisay inuu Ahaa Wariye ka howlgali jiray Kismaayo laakiin labo maalin ka hor ay ciidanka Nabad Sugida ka kaxeysteen degmada Dharkeenleey maqaaxi ku taalla sida ay Ehelkiisa sheegeena Marxuumkaasi ay Ciidanka Nabad Sugida dileen.

Wiilkaan dhalinyarada ah ee maanta Nabad Sugida kusoo bandhigeen Muqdisho ayaa Codsaday in la toogto maadama dilal kala duwan uu wax ka ogaa sida uu hadalka udhigayna qaarkood uu ka qeyb qaatay.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: