SAWIRO: Kooxda Junior Allstars oo ku guulaysatey koobka Somaliweek 2010

Posted on Aug 10 2010 - 12:39pm by News Desk
Tweet
Pin It

CIMG8373Koobkii uga socday garoonka New River oo ku yaal Waqooyiga magaalada London kooxaha ka qayb galayay sanadkaan koobka Somaliweek London 2010 ayaa lagu soo gabagabeeyay maalinimadii Sabtida ahayd  ciyaar aad u xiisa badneyd oo final ah ayna isaga hor yimadeen kooxaha kale ah Horseed FC iyo Junior Allstars.

Ciyaartaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u farabadan oo ka kale yimid magaalooyin kale duwan iyo  dalal dibada ah, ciyaartooydana waxay soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo dadaal badan, waxaana si xarago leh ugu guulaystey kooxda Junior Allstars oo degan xaafada South Hall, kadib markii ay 3 goal iyo 2 goal ugu awood sheegteen kooxda Horseed FC.

Kooxda Horseed FC oo aan dhihi karo iyagana waxay ahaayeen kuwo aan ka dhicin kooxda koobka qaaday balse nasiibka ayaa u diidey inay noqdaan horyaalka sanadkaan 2010 ee koobka Somaliweek.

Ciyaarahaan waxaa sanadkaan ka soo qayb galay 16 kooxood, balse kooxaha dadaalka weyn muujiyay waxaa ka mid ahaa Manchester, West 12, London Stars iyo Hilltop.

Gabagabadii ciyaarta waxaa halkaasi  hees qiiro leh ka qaaday fanaanada Soomaaliyeed ee caanka ah Mamo Fadumo Qaasim Hiloowle,iyadoo dadkii u soo daawasho tagey ay aad  ugu riyaaqeen, kadibna waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay abaalmarino kale duwan  ciyaartooydii firfircoonida iyo dadaalka muujiyay intuu socdey koobkan, waxaana abaalmarinadaas lagu sharfey inay bixiyaan odayaasha isboortiga kale ah Axmed Shell, C/qaadir Isoomarey, Mohamed Ahmed Caalim, Macalin Muuse Naasir,Muridi Zein, C/rashiid Dahabshil,Shaacir Shiiqoow, Axmed Nur ‘’Seyga Raashka’’, Cali Mire, Garabeey iyo Shiine Madbaco.

Habeenimada Sabtidana waxaa xaflad  loogu magacdarey xiritaanka koobka Somaliweek 2010 lagu qabtey Hall ku yaal Xaafada Wembley oo ayna ka soo qayb galeen dad si gaar ah loogu martiqaaday, waxaana halkaasi  si farxad leh loogu bashaaley habeenkii oo dhan.

Koobkii Somaliweek 2010 waxa uu ku soo dhamaadey guul, waxaana koobkii qaatey kooxda Junior Allstars oo aan oran karo koox dadaal badan islamarkaana muujiyay kalsooni, ciyaar wanaag iyo dadaal badan.

Ururka Somaliweek waxay muujiyeen dadaal dhamaantood balse waxaan oran karaa Mohamed Buuwe iyo Cabdisalaan Muumin  kuwii ugu dadaalka badnaa inay ahaayeen sanadkaan madaama ay qabteen intii u socday cayaarahaan shaqo wanaagsan, waana uga mahadcelinayaa wada shaqayntii naga dhaxeysay intii uu socday cayaaraha koobka Somaliweek 2010

W/D:Yusuf Yusuf

Sports Editor of SSPAMEDIA

[email protected]

London