Ordaaga Caanka ah ee Ethiopia oo Soo Booqday Ururka ONLF.

Posted on Oct 11 2010 - 8:34am by News Desk
Tweet
Pin It

pict-01Bartamaha (Addis-Ababa):- Waxa hotelka ay degan yihiin ururka ONLF ugu yimid ordaaga caanka ah ee Xeyle Gebresalasa.

Ordaagan ayaa sedex mar ku guuleystey orodada dhaadheer, una soo hooyey bilado dahab ah wadanka Ethiopia. Ordaagan ayaa maalin kasta orda lixdan kilo meter siisocod iyo soo socod.

Ordaagan oo xiriir badan ay ka dhexeeyeen Gudoomiyaha ururka ONLF Enj. Saalaxdiin Macow, ayaa aad ugu farxay markii uu maqlay Eng, Saalax diin oo ku sugan magaalada Addis Ababa.

Ordaagan ayaa ku soo booqday hotelka, una balan qaaday in uu ku casuumi doono beer weyn oo uu ku leeyehay meel looga socdo caasimada sedex saacadood.

Ordaagan ayaa ereyo kooban ka soo jeediyey qolka shirarka ee hotelka uu leeyahay markii u la kulmayey xubnaha ugu sareeya ee ururka  ONLF iyo marti sharaftii ka timid wadanka dibadiisa.

Ordaagan ayaa yiri markii aan qurbaha kula kulmay gudoomiyaha aniga iyo isagaba waxa naloo arkayey dad walaal ah, marka sababta anagoo dhulkeena wada joogna aanu walaalo u noqon weyney oo aanu nabad ugu wada noolaan weyney, ma garanayo.

Sidoo kel waxa la socdey ordaaga caanka ah Mr. Xeyle Gebresalasa wafti kale oo balaaran uuna hogaaminayey Dinial Gabrasalasa, labo professor iyo nin isago hore u ahaan jirey safiir u fadhiya Ethiopia wadamada yurub. Waftigan ayaa iyagana ka yiri shirka ereyo kooban oo ku saabsanaa macaanka ay leedehay nabada iyo wadaninimada. Ugudanbeyntii, gudoomiyaha ayaa u mahad celiyey ordaaga iyo waftiga la socday ee ku soo booqday hotelka weyn ee uu ka degan yahay magaalada Addis Ababa.

Sawirada:-

pict0-03

pict-02

pict-04

Abdimalik Askar
[email protected]