Dagaal xoog badan oo Saaka Muqdisho ka dhacay.

Posted on Oct 11 2010 - 9:14am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalka xasalauBartamaha (Muqdisho):- Dagaalo qaraar oo ay barbar socdeen Madaafiic ayaa saaka ka dhacay xaafado ka mida Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid ay Islaamiyiinta ku qaadeen saldhigo ku yaala xaafado ka mida Degmada Hodon illaa qeybo ka mida Degmada Dayniile oo mar qura rasaasta iyo madaafiicda ay ka bilowdeen.

Goobaha la isku qabtay ayaa waxaa ka mida Fagaaraha Terbuunka,Warshadii hore Ee Caanada,Sona K,Kuliyadii hore Ee Jaale Siyaad illaa Warshadii Kabka oo mar qura ay soo weerareen Xoogaga Islaamiga ah.

Dagaalka ayaa waxa uu sababay dhimashada in ka badan 7-ruux halka 10-kale dhaawac ahaan loo dhigay Isbitaalaka Magaalada Muqdisho markii Labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka nmuucyadiisa kala duwan.

Madaafici dhowr ah ayaa waxa ay ku dhaceen Suuqa Bakaaraha illaa xaafadaha Degmada Dayniile oo ay Hoobiyayaal ku garaaceen Ciidanka la weeraray ee Midowga Afrika kuwaasi oo iska caabin ku sameeyay weerarka Mucaaradka.

Xaalaga guud ayaa caadi ku soo laabatay ka dib markii ay Xoogaga Islaamiga ah ay dib uga laabteen dhulkii ay Madaafiicda iyo rasaasta uga soo ridayeen Ciidanka Amisom oo iska difaacayay weerarka Mucaaradka.

Rasaas teel teel ah oo aan sidaa u xooganaynayaa laga maqlayaa Xafadaha KPP,dhinaca Warshadii hore Ee Caanaha iyo qeybo ka mida wadada Taleex oo maalmihii u danbeeyay ay joogeen Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom.


Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].