Magaalada Liecester oo lagu qabtey orad loogu magac darey 5K FUN RUN(Sawiro).

Posted on Sep 29 2010 - 8:15am by News Desk
Tweet
Pin It

CIMG0648Bartamaha  (Liecester):- Waxaa magaalada Liecester  oo ku taal bartamaha dalka England lagu qabtey  maalinimadii Axada oo ay taariikhduna aheyd  26 /09/2010 tartan orado ah oo loogu magac darey  5K FUN RUN oo ay ka soo qayb galeen  dhalinyaro iyo caruur  Soomaaliyeed oo isugu jirey wiilal iyo gabdhaba, kuwaasoo ka kale yimid magaalooyinka Bermingham, Manchester, London iyo Liecester, kuwaasoo ku kale tartamayay  oradka  1 Mile iyo 5 Mile.

Oradka waxaa si rasmi ah u furey ciyaaryahanka haysta oradada  5,000  iyo 10,000 ee horyaalka Yurub iyo dalka UK ciyaaryahan Maxamed Faarax ‘’Mo Farah’’,  imaanshaha Maxamed Faarax wax weyn ayay u ahayd  gudigii soo qabanqaabiyay iyo ciyaartooydii kale duwanaa ee ka soo qayb galey, waxaa kale joogay qaar ka tirsan ciyaartooydii hore ee kubadda koleyga, kubadda cagta , garsoorayaashii iyo madax isboorti oo dalka Soomaaliya si weyn looga yaqaan, halka ay oradkana ay ka qayb qaadanayeen  dad kale oo aan Soomaali aheyn oo lagu martiqaadey.

Oradkii halka Mile  gabdhaha waxaa ku gulaystey  ciyaartooyda 13 jirada Hani Maxamed.

Oradka Halka Mile wiilasha waxaa ku guuleystey ciyaaryahanka  Maxamed Isak oo 21 sano jir.

Oradka 5 Mile waxaa ku guulaystey ciyaaryahanka Cabdulaahi Nuur oo 18 sano jir.

Waxaa xusid mudan in  mudane Garsoore Caddaay uu kaalinta koowaad ka galey oradka ciyaartooyda cuslaatey halka Jaalle Biriq-na ka galey kaalinta  xaga ugu hooseeysa.

Tartankaan waxaan lagu qabtey  Victoria Park , waxaana u soo daawasho tagey dadweyne aad u fara badan oo ka kale yimid magaalooyin kale duwan.

Markii cayaaraha soo dhamaadeen waxaa xaflad xiritaan ah lagu qabtey  hall ku yaal magaalada Liecester halkaasoo goob joog ka ahaayeen Soomaali fara badan iyadoo si Soomaalinimo loogu soo dhaweeyay ciyaaryahan Maxamed Faarax horyaalka 5,000 iyo 10,000 ee dalka UK iyo qaarada Yurub 2010.

Maxamed Faarax  film ku saabsan guulihiisa ugu dambeeyay ayaa laga soo daayay iyadoo sacab iyo farxadna ay ka muuqanaysay dhamaan dadkii daawanayay iyo Ciyaaryahan Maxamed Faarax oo maalintaasi aad ayuu ugu farxdey sida Soomaalida dhan ay ula dhacsan yihiin guulaha u gaarey sanadkaan, islamarkaana waxaa halkaasi lagu siiyay shahaado sharaf iyo bilad Soomaalinimo, waxaana abaalmarintaasi bixiyay mudane Garsoore Caddaay kadib markii u wakiishey mudane Cabdulaahi Saney gudoomiye ku xigeenka ciyaaraha fudud ee dalka Soomaaliya, mudane Maxamed Faarax ayaa shahaadooyin isna gudoon siiyay  magaalooyinkii ka soo qayb galey tartanka 5K FUN RUN.

Film clip waxaa soo diyaariyay mudane Cabdiraxmaan Cali Mire.

Magaalada Manchester waxaa u gudoomay ciyaaryahan ka socdey kooxda WPSC, magaalada London waxaa u gudoomay mudane Cabdiraxmaan Guhaad ‘’Shiine’’ oo ka socdey Acton Valle Community, halka magaalada Bermingham uu u gudoomay shahaadada  gudoomiye ku xigeenka XSKK mudane Maxamed Xaaji Jumcaale.

Waxaa kale shahaado la gudoonsiiyay Universal TV barnaamijka Cayaaraha waxaana u qaadey Jaalle Biriq, waxaa kale meesha joogay  mudane Maxamed Ismaaciil oo ku magac dheer 007 oo ahaa madaxa hogaaminayay kooxda  ka socotey magaalada Manchester.

Barnaamijkaan waxaa u ahaa barnaamij muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, ugu dambeyntiina waxaa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay ciyaaryahan Maxamed Faarax ‘’Mo Farah’’ oo ka mahadceliyay barnaamijka meesha lagu qabtey iyo sidii Soomaalinimada laheyd ee loogu soo dhaweeyay, waxana u balan qaadey inuu imaan doono meel kasto oo lagu qabanaayo waxyaabo faa’ido u leh caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed islamarkaana u gacan ka gaysan doono  intii karaankiisa ah horumarinta cayaaraha fudud ee Soomaalida meel kasto ay joogaan.

DAAWO SAWIRADA:-

CIMG0648

CIMG0642

CIMG0655

CIMG0617

CIMG0738

CIMG0650

CIMG0706

CIMG0683

CIMG0691

CIMG0737

CIMG0744

CIMG0757

CIMG0613

CIMG0597

CIMG0592

CIMG0579

CIMG0578

W/D:Yusuf  Yusuf

[email protected]

London