Baarlamanka oo shir qaadanaya iyo Wadooyinka qaar oo la xeray.

Posted on Sep 29 2010 - 12:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

barlamankkaBartamaha (Muqdisho):- Xildhibaanada Barlamanka Dowlada KMG ah ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Muqdisho xilli shiarrkoodii hore natiija la’aan ay idlaadeen.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in diirada lagu saaro Gudiga Dastuurka oo dhawaanahan shaqooyin badan hayay islamarkaana dhibaata badan ku ahaa isfaham ka dhex dhalinta madaxda ugu saraysa Dowlada KMG ah.

Kulanka ayaa inta uu socanayo waxaa diirada ay xildhibaanada saaryaan sharci ahaanshaha in la badalo dastuurkii dalka u dagsanaa maadaama muddo dheer ay xildhibaanada dajin waayeen dastuur dhexdooda ah.

Xildhibaano badan oo qaba in gudigan aanu sharci ahayn maadaama Baarlamanka uu yahay sharci dajinta dalka balse aan loo baahnayn guddi madax banaan oo laga dhiso dalka islamarkaana gudiga aanu sharci ku dhisnayn.

Hadaba lama oga natoojada shirkaasi maadaama shirka uu yahay mid balaaran oo xasasi ah lana filayo in xildhibaanada ay ka doodaan Dastuurka iyagoo marar badan shirarkooda uu dhamaaday Natiija la’aan.

Waxaa hadda la soo sheegayaa in wadada soo gasha madaxtooyada iyo jidka gala Guriga Umada guud ahaan ay xereen Ciidanka Amsiom iyo askarta Dowlada oo sugaya ammaanka xildhibaanada yeelanaya kulanka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]