Madaxweynihii Horre Masar oo maanta markale la soo taagaayo Maxkamad

Posted on Aug 15 2011 - 11:16am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

_54603773_012664232-1Qairo (www.Bartamaha.com):-Mubarak ayaa maanta markale maxkad lagu soo taagi doonaa magaaladda Qaahira, waxana loo heestaa eedeemo ay ka mid yihin in amaray in la dilo dabaxyaal ka qayb galay rabshadihii ka dhacay dalka Masar.

Mr Mubarak, oo ay hadda da’diisu tahaay 83-sano jir ayaa waxa uu wajihi doona dil haddii lagu helo dambiga loo heesto.

Waxa kaloo lagu eedeeyay musuq maasuq,hogaamiyihii horre Masar waxa maxkamad lagu keenay isagoo ku jiifa sariiraha Isbitaaladda horaantii bishan ,laakin waa uu diiday eedeemaha loo heesto.

Mr Mubarak ayaa waxa maxkamad lala soo tagayaa labada Alaa iyo Gama, oo lagu eedeeyay sidoo kale in ay galeen muqus maasuq.

Mr Mubarak ayaa xoog looga tuuray xukanka markii lagu hujuumay dibaxyo waaweyn bishii February.

Axadii shaley, ayaa wasiirkii horre arrimaha gudaha Masar Habib al-Cadly waxa mar kale lagu celiyay maxkamad ku taala magaaladda Qaahiro waxa loo heestaa dilka ku dhawaad 850 oo dibaxyaal ah.

Cadly ayaa horrey waxa lagu xukumay 12-sano oo xarig ah ka dib markii uu lacago lunsaday.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
www.Bartamaha.com Waa isha wararka Soomaalida iyo kuwa Caalamka.