Calendar

Al-shabab oo soo bandhigay agab ciidan oo kasoo furteen ciidamada Kenya

Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo, waxaa lagu soo bandhigay, hub iyo gaadiid Al-Shabaab ay kasoo qafaasheen ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya oo ay dagaal kula galeen maalmo kahor Magaalada Mandheera ee Gobalka NFD.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha ku yaala Degmada Baardheere, halkaasi oo ay ku daawanayeen gaadiidka lasoo bandhigay, hub iyo Aqoonsiyo ay leeyihiin askar ka tirsan Dowladda Kenya.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, ayaa goobta ka sheegay inay guul tahay soo qabsashada gaadiidka laga soo dhacay Dowladda Kenya.

Rasaas badan iyo Qoryo nooca ay isticmaalaan Booliiska Kenya ayeey Shabaab kusoo bandhigeen Baardheere, iyaga oo muuqaalo sawiro ah kasoo qaaday, kadibna baraha Internet-ka ee ay isticmaalaan soo galiyay.

Al-Shabaab ayaa Dowladda Kenya dagaal culus kula jira, waxana Sheekh Fu’aad Shongole oo Shabaab kamid ah uu sheegay in dagaalka Soomaaliya iminka kadib ay Kenya u wareejinayaan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: