Calendar

Danjire Kay oo ka digay is fahanwaa siyaasadeed ee ka dhasha Soomaaliya +Warbixin

Wakiilka gaarka ah ee Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay oo asagoo Muqdisho jooga ka qeyb galay shirkii golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa uu sheegay in in kastoo 12 bilood ee lasoo dhaafay hor mar laga gaaray qeyb ahaan siyaasadda, amaanka iyo dhaqaalaha haddana ay jirto walaac uu ka qabo in siyaasadda Soomaaliya ay dhibaato ka dhacdo.

Qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayuu sheegay inay wajahaan qatar siyaasadeed ayna ku dhaw yihiin inay noqdaan goobo halis badan sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray in loo baahan yahay in beesha caalamku tilaabo deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibaatadda siyaasdeed ee Soomaaliya ka jirta xilligaan.

Waxyaabaha uu walaaca ka muujiyay waxaa ka mid khilaafka ka dhaxeeya madaxda dawlada federalka ah iyo maamuladda dalka ka jira qaarkood waxaana uu xusay in is faham waagaas uu sababi karo qal qal siyaasadda ku yimaada kaasi oo curyaamin kara hirgalinta hanaanka federalka ah iyo in la gaaro doorasho sanadka 2016.

“ Sanadka 2014 dhibaatada Soomaaliya waa ay sii yaraanaysaa sida aan qabo laakiin waxaa jira khilaafyo hoos u dhigi kara hormarka socda hase ahaatee waxaa loo baahanyahay in dawlada iyo beesha caalamkuba sameeyaan dadaal dheeraad ah oo looga hortagayo dhibaatadda siyaasadeed ee hadda walaaceedu jiro” ayuu yiri Nicholas Kay.

Danjire Kay waxaa uu soo hadal qaaday in inkastoo R/wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh, Axmed uu wado dadaalo uu ku doonayo inuu abuuro is faham dhex mara dawlada iyo maamul goboleedyada dalka ka jira haddana aysan u socon sidii loo baahnaa

Waxaa uu kaloo xusay in arrin kale oo walaac siyaasadeed abuuri karta ay tahay baaqii dhawaan kasoo baxay xildhibaano ka tirsan oo dalbaday in M/weynaha Soomaaliya uu is casilo taasoo uu xusay inuu abuuro wal wal hor leh.

Danjire Nichols Kay waxaa uu kale oo uu soo hadal qaaday dhiibaatooyin kale oo dhanka bini’aadanimada iyo amaanka ah oo Soomaaliya ka taagan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: