Calendar

Khasaaraha ka dhashey qaraxii ka dhacey jabuuti

Wargaysyada caalamka oo si gaar ah u hadal haysa qaraxyadii ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi ay faafaahin kasoo baxayso.
Khasaaraha gaaray dadka ajaanibta ah ee maqaayadda ayaa iskugu jira wadamo ay ka mid yihiin Faransiiska, Turkiga iyo Holland.
Wasaaradda arrimaha dibbadda Faransiiska ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in hal ruux oo Faransiis ah illaa hadda la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday qaraxyada tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Afhayeen wasaaradda u hadlay ayaa xusay dhaawacyada dadka Faransiiska ah iyo meydkaba loo qaadi doono wadanka Faransiiska.
Sidoo kale dawlada Turkiga ayaa sheegtay in hal ruux uu kaga geeriyooday qaraxa ka dhacay maqaayadda La Chaumiere ee reer galbeedku badi tagaan.
Safiirka Turkiga ee dalka jabuuti danjire Xasan Yuvuz oo la hadlay wakaaladda wararka Anadaloyi ayaa ku sheegay magaca shaqsiga Turkiga ah ee geeriyooday Rüştü Gürbüz, waxaana safiirku xusay in meydiisa ay u qaadayaan wadanka Turkiga.
Illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada badda wadanka Holland oo ka tirsan ciidamada xeebaha Soomaaliya kula dagaalama burcad badeeda ayaa iyana ku dhaawacmay qaraxyada caasimada Jabuuti ka dhacay.
Sidoo kale ciidamo kale oo u dhashay jaziiradda Malta ayaa ka bad baaday qaraxyadaas oo dhacay xlli ay maqaayadda galayeen.
Dawlada Jabuuti waxay sheegtay in qaraxyadda maqaayadda ka dhacay oo labo ahaa ay geysteen labo ruux oo Soomaali ah oo midkood ay aheyd haweeney Indho-shareer xiran.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: