Calendar

Maxaa sababay in xiligaan Xasan Sheekh iscal la dhaho (Xog Muhiim ah)

xasanXilli Magaaladda Muqdisho ay Caasimada dalka Soomaaliya ay taagantahay Xaalada siyaasadeed oo aad u kacsan oo ay fureyn qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayo Xog Culus oo ku aadan waxa sababay in Xiligaan Xasan Sheekh la yiraahdo iscali.

laba arrimood, ayaa la aaminsan yahay in ay ka dambeeyeen khilaafka soo kala dhex-galay Dowladda iyo Baarlamaanka, iyadoo ay dhabarka ka riixayeen Xildhibaano careysan.

Khilaafka 1aad ayaa waxa  uu ka dhalashay markii Shirkadda laga lee yahay dalka Turkiga ee ka hawlgasha Garoonka Aadan Cadde, ay ka joojisay Shirkadda Supreme oo shidaalka ka iibin jirtay diyaaradaha ka hawlgala Garoonka.

Tani waxaa sabab looga dhigay, iyadoo Shirkadda FAVORI aynaan jirin cid la wadaagta adeegyada guud ee ka jira goobaha ay maamusho, taasina ay meesha ka saartay Shirkaddii Shidaalka ee Supreme, oo uu lee yahay Xildhibaan C.qaadir Cali Cosoble, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Khilaafka  labaad, ayaa waxa uu asagana ka dhashay  xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiye-yaashii Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo ay xusid mudan tahay in Xildhibaano badan, ay dhaqaalo ka heli jirayn Gudoomiye-yaashii hore.

Xildhibaanada qaar oo Hoteelada Muqdisho ku degganaa bilaa lacag, ayaa waxaa dabari jiray Gudoomiye-yaashii xil ka qaadista  lagu sameeyay bishii April, isla-markaana la magacaabay dhalinyaro yar yaro, oo aanba aqoon in la afgarto Xildhibaanada.

Xildhibaanadu waxay ka caroodeen, iyadoo ay meesha ka baxday faa’iidadii ay ku heysteen Gudoomiye-yaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, bacdamaa dhalinta la magacaabay noqdeen, kuwo aan ku luqad ahayn ama aysan isfahmeyn xildhibaanada.

Sidoo kale waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo ka qayb qaatay, soo jeedintii ahayd in uu is casilo Madaxweynaha Somaliya, kuwaa oo ujeedkoodii lagu macneeyay mid kursi la xiriirta.

Xildhibaanadaan waxaa la sheegay in Xukuumadii ugu dambeysay ay ka doonayeen in ay xilal ka qabtaan, laakiin aynaan taasi suurta gelin, culeysyo jiray awgeyd, ayagoona cudurdaar loo muujiyay.

Mudane-yaashaan oo ka soo kala jeeda Beelaha Soomaalida, ayaa waxaa soo badanaayay eedeymaha kala duwan ee loo jeedinaayo, markii ay horey u hamiyeen xilal ay ka qabtaan Xukuumada C.wali Sheekh Axmed Maxamed.

Dadaalada lagu kala jebiyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay meesha ka saareysaa in xilligaan la rido Golaha Fulinta ayadoona sidoo kale  u ogolaaneysa in ay sii amba qaadaan shaqooyinka horyaala.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Latest Somali News, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: