Calendar

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta bayaan cad kasoo saaray Madaxweyne Xasan sheekh

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bayaan cad ugu sheegay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya inuu iscasilo si dalka ugu hirgasho dowlad hanaqaado.

shir ay Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya maanta ku yeesheen caasimada dalka ee Muqdisho ayay kusoo saareen bayaan cad oo ugu baaqaya madaxwaynaha Soomaaliya talada u haya ee Xasan Sheekh Maxamuud inuu isaga dago xilka maadaama uu ku fashil may inuu guto howlahii loo igmadey.

Bayaankaan ayaa waxay xildhibaanada u gudbiyeen afhayeenka baarlamaanka Jawaari sidoo kalane toos ugu gudbiyeen xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.

Bayaanka ayaa ahaa sidatan.

Ku: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynaha Jamhuuriyadda F.Soomaaliya
Og:Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka F.Soomaaliya
Og:AmbasJdor Nicolas Kay Ergayga gaaarka ah ee Qaramada Midoobay
Ujeeddo: BAAQ SOO JEEDIN IS-CASILAAD.

Annagoo ah Xildhibaannada magacyadooda hoos ku saxiixan yihiin, kana ambaqaadayna waajibaadka guud ee naga saaran ilaalinta danta Qaranka, dabagalka iyo qiimaynta waajib gudashada hay’adaha Dowladda uu ugu horreeyo Xafiiska Madaxwaynaha, waxaan dib u eegis ku samaynnay baUanqaadkii aad ka hor jeedisay Golaha Shadbka markii aad murashax u ahayd hoggaaminta talada dalka, si aan u hubinno waxa ka fulay lixda tiir ee aad Ummadda SoomaaJiyeed u soo bandhigtay aad heshiiska kula gashay wakiillada Shacabka Xildhibaanada ahna kugu doorteen, waxaana la filayay haddii aad ka dhabayn lahayd siyaasadda ku qotanta 6da tiir, in laga gudbi karay duruufaha adag ee dalku ku suganyahay lagana soo kabsan lahaa dib u dhacyada soo jiitamaayey tan iyo markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991kii, ee xagga slyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, dowlad wanaagga, horumarinta bulshada iyo dib u heshiisiinta, hase yeeshee sida muuqata hoggaan kaagu waa ku guul daraystay in uu fuliyo koley ku tahay tiir qura! haddii aan xusno tiirarku waxay ahaayeen:

1. Xasillinta dalka, sarraynta sharciga iyo dawlad wanaagga.
2. Soo noolaynta adeegyada bulshada.
3. Nabadaynta iyo dib u hashiisiinta.
4. Soo noolaynta dhaqaalaha dalka.
5. Midnimada iyo wadajirka ummadda.
6. Abuuridda xiriir caalami ah;

Lixdaan tiir fulintooda muhiim bay u ahaayeen Golaha Shacabka Soomaaliyeed, kugu aaminay ballan qaadkaas.
Haddaba markii aan aragnay in hoggaankaagu ku guuldaraystay;

1. Samaynta qorshe cad meel mar noqon kara laguna xasilin karo dalka maamullo loogu dhiso ummadda Soomaaliyeed si loo hirgeliyo federaalaynta Dalka, kuna salaysan caddaalad iyo maamul wanaag.

2. Soo Inoolaynta adeegyada bulshada ay ugu horreeyaan tac1iinta, caafi1baadka, biyaha iyo korontada.

3. Sugidda nabadgelyada, dib u dhiska ciidamo qaran si hufan lagu soo xulay,yeelan kara karti iyo awood uu ku soo celiyo kala dambayntii iyo sugidda amniga qaranka, taasoo la’aanteeda madaxbanaanida, midnimada iyo karaamada dalka mugdi gelin karta, iyadoo waliba ay weheliso in colaad beeleedyo hor leh ka soo cusboonaadeen gobollada dalka qaarkood sida: Hiiraan, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo weliba meelo kale taasoo loo aanaynayo hoggaan xumida iyo karti darrada hoggaankaaga iyo dadkii aad u xilsaartay howlaha fulinta, sida lagu soo xulayna su’aalo bad an ka jiraan.

4. In hoggaankaagu ka gaabiyay in uu curiyo fikir siyaasadeed lagula xaajoon karo mucaaradka hubaysan (Alshabaab), iyadoo waayo aragnimada lagu bartay in colaadaha noocaan ah aan lagu dhammayn karin xal militari kaliya, balse lagama maarmaan ay tahay in lagu garab wado wada xaajood iyo wada hadal siyaasadeed.

5. In hoggaankaagu ku guuldaraystay habsami u hagidda siyaasadda dhaqaalaha dalka iyo la dagaalanka musuq maasuqa, si aan daah furnayn Shirkado shisheeye gacanta loogu geliyey kaabayaasha halbowlaha dhaqalaha Dalka sida Dekedda, Airporka iyo kuwa kale, taasoo horseedi karta in la hakiyo kaJlmadii loogu yaboohay dalka heshiiskii Compact ee shirkii ka dhacay BRUSSELS. I 6. In Hoggaankaagu ka gaabiyay ilaalinta midnimada qaranka wada hadalkii lala galay Somaliland sida uu u socday u muuqday mid fududeynaya in dalku kala go’o.

7. In aqoonsigii diblomaasiyadeed ee ka dhashay doorashadii looga gudbay kumeelgaarka howsha bad an la geliyay, xilligii KMG lagu jiray hadda la moodo in uu sii lumaayo ilaa heer diblomaasi ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya si bareer ah loo xiro oo la dafiro aqoonsigiisa diblomaasi, taasoo ay sii dheertahay in Mudane Madaxwayne Adigoo ku sugan Nairobi, Shacabka Soomaaliyeed la raafayay, oo codsigaaga waxba aysan kasoo qaadin madaxda Kenya, ficil iyo qawlna aadan ku muujin arrimaha lagu bahdalayo karaamada iyo sharafta Soomaalinnimo.

8. In qaabka loo agaasimay maaraynta degaanada lagala wareegay Alshabaab ay u keentay bulshadii ku nooleed deegaannadaas culays nabadgelyo Iyo ciriiri nololeed, iyadoo magaalooyinkaas ay go’doomiyeen Alshabaab , taasoo fursad u siisay kooxda Alshabaab inay dib isu soo abaabulaan, Shacbiyadna ay helaan waana arrin hoggaan xumi ku dhacday oo.laga taxadiri karay.

9. Hoggaankaagu wuxuu ku guul darraystay in dibu-habayn lagu sameeyo garsoorka weliba la baalmaray talooyinkii wax kuoolka ahaa ee kasoo baxay shirweynihii qaran ee arrimaha garsoorka ku saabsanaa Muqdisho lagu qabatay bishii April 2013kii. Mudane Madaxweyne, waxaad ka baaqsatay fulinta qod.l09, faqraddiisa 2aad ee Dasuurka JFS ee tilmaamaya asaasidda Maxkamadda Dastuuriga ah, taasoo loo fasirtay inaad raadinayso qiil aad uga gabbato in lagula xisaabtamo.

10.Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay samaynta Guddiyada Madaxa bannaan, sida ku cad qod.111 ee Dastuurka JFS, gaar ahaanna dhismaha Guddiga la Dagaallanka Musuq-Maasuqa ee ku tilmaaman qod.l11C, taasoo keentay in si bareer ah looboobo hantida qaranka.

11.Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay inuu dib-u-heshiisiin dhab ah dhexdhigo beelaha Soomaaliyeed, Dawladda Federaalka ah iyo Maamullada Gobollada iyo inuu abuuro Guddiga Runta iyo Dibu-heshiisiinta, sida ku cad qod.l11i ee Dastuurka JFS.

12.Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay Amniga Qaranka sida cad uu kuu farayo qod. 126aad ee Dastuurka JFS, ayadoo si joogto ah loo beegsado xarumaha halbowlaha u ah Dawladda sida Maxkamadda Sare, Madaxtooyada, Xarunta Qaramada Midoobay iyo meelo kale, si joogto ahna loo laayo xildhibaannada Baarlamaanka FS, Mas’uuliyiinta Dowladda Iyo Shacabka Soomaaliyeed, haba yaraateena aysan jirin dad loo soo qabtay dambiyadaas ama kuwo xil gudasho la’aan lagu eryey.

13.Hoggaankaagu wuxuu raalli ku noqday in qaadashada jinsiyadda Soomaalinnimo oo ah arrin xasaasi ah loo maro qaab sharci-darro ah, ayadoo la baal maray dhabbaha uu tilmaamayo qod.8aad ee Dastuurka JFS.

14.In Hoggaankaagu aanu u muuqanin mid gaarsiin kara dalka doorasho xor ah marka lagaaro August 2016ka, taasoo Madaxwaynoow aan filayno in aad nala qirsantahay!

Waxay ahayd dhamaandkii sanadkii tagey ee 2013 markii madaxweyne Hassan sheikh uu baarlamaanka soomaaliya ka codsadey inay xilka ka xayuubiyaan Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka Saacid asagoo ku eedaynaya inay dowladda ra’iisul wasaarahii hore ee saacid ay tahay mid fashil ah .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: