Calendar

Madaxweynaha Puntland oo wadanka dib ugu soo laabtey maanta

Madaxwaynaha Puntland Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtey caasimada Puntland ee Garowe.

Madaxwayne Gaas ayaa waxaa si diiran caasimada Gorowe ugu soo dhoweeyay ku xigeenkiisa Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey gudoonka baarlamaanka Siciid Xasan Shire, xubno ka mid ah gollaha wasiirada dowladda Puntland iyo shacabweyne fara badan.

Madaxwaynaha ayaa kasoo rogaal celiyay safar shaqo uu ku kala tagay dowladda federaalka Ethiopia iyo Eritrea sidoo halka uu sidoo kale madaxweynaha uu dalka Ethiopia ugu qayb galay shirkii madaxda africa ee TANA Form ee looga hadlaayay arrimaha amaanka dalalka Africa ee ka dhacay Magaalada BAHAR-DAR.

“Shirkii TANA Form ee looga hadlaayay arrimaha amaanka dalalka Africa ee ka dhacay Magaalada BAHAR-DAR ee dalka Ethiopia, waxa uu ahaa shir muhiimad weyn ugu fadhiya Puntland, waxaana kasoo baxay waxyaalo muhiimu ah xasilinta amaanka dalak ku yalla gobolk iyo dhamaan Africa” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale la kulmay dhigiisa dalka Yemen halkaas oo laba madaxwayne ka wada hadleen xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo arimaha iskaashiga ee dhanka amniga.

“Madaxda sare ee Dawladda Yemen si wanaagsan ayay noo soo dhoweeyeen, waxaanu ka wada hadalnay in xiriirka labada dhinac la adkeeyo, isla markaana lala dagaalamo arga-gixisada iyo burcad badeeda oo iyaga laftooda dhibato ku haya, si wanaagsan ayaanuna isula qaadanay arrintaas” ayuu yiri Madaxweyne Gaas..

.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: