read more »">
Calendar

gudoomiyaha gobalka gedo oo ka bad baaday isku day larabay in lagu dilo

wararka naga so gaaraya gobalka gado ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolkaasi Maxamed Cabdi Kaliil uu ka bad baaday qarax miino oo ka dhacay degmada Buurdhuubo, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

sido kale Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loogu xiray gaariga Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, waxaana la sheegayaa xilliga uu gaarigu qarxayay uusan saarneyn gaarigiisa gudomiahu.

Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay garaash dhexdiisa oo lagu sameynayay, isagoo xusay in labo ka mid ah ilaalada Gudooniyaha ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada lagu xiray gaariga mas’uuliyiinta ayaa ahaa kuwo soo kordhayay, waxaana horay u jiray qaraxyo gaadiid ay lahaayeen xildhibaano iyo saraakiil loogu xiray, oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata weerarada qaraxyada ee ay la beegsato mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha, waxaana ay ku goodisay inay sii wadeyso beegsiga mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: