Calendar

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry, oo kulan la qaatey madaxwaynaha somalia

IMG_02611Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Ethiopia ayaa halkaasi kulan xaas xaasi ah kula qaatay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan.

Madaxweynha somaliya mudane  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa kulankooda waxa ay uga arrinsadeen arrimo badan oo ay ugu horeyso sidii dowladda Maraykanka ay u xoojin lahayd taageerada  ay siineyso dowladda Soomaaliya.

dhinaca kale Mr John Kerry oo lahadlay warbaahinta markii uu kulanka soo idlaaday kaddib ayaa tilmaamay in Xukuumadda Washington ay xoojin doonto taageero dhinac walbo leh oo ay siineyso dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in dowladdu ay iminka ku talaabsatay horumar la taaban karo.

sidoo kalena yiri  Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ku xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay beesha caalamka.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: