Ka Ilaalinta Ubadka Mukhaadaraadka iyo Daroogada(Maqaal).

Posted on Aug 11 2010 - 10:37pm by News Desk
Tweet
Pin It

sahra_korontoGogol dhiga Qoraalka.

Dhalaanka amaba ubadku waxay ka mid yihiin deeqaha ugu qaalisan ee uu ilaahay ugu deeqo aadanaha, ragga iyo haweenka oo idil waxay soo wada mareen oo ay ahaaayeen ubad ay soo barbaariyeen hooyo iyo aabo, waxaa hubaal ah in hadii waarid walba uu ku dadaali lahaa korinta iyo ka ilaalinta wax walba oo xumaana oo ay mukhaadaraadku ugu horeeyaan ubadkooda in la heli lahaa deegaan aad u wanaagsan islamarkaan la weyn lahaa caruur soomaaliyeed oo ku dhiirata adeegsiga mukhaadaraadka isla markaana deegaanka magaalooyinka Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwa ka nabdoon oo ay xasilooni dhameystirani ka jirto.

Ubadka haatan buux dhaafiyay wadooyinka gobolada Soomaaliya ee qaarkood ay u bareereen isticmaalka mukhaadaardka sida dhuuqidda koolada, cabida sigaarka iyo cunidda qaadka oo ay kasoo  bilaabeen garaamo aruurin waxayna taasi ugu dambeynta dhaxalsiisaa in caruurtaasi markii ay weynaadaan ay noqdaan manaxayaal aanan cidna u jixin jixin, hadaba si looga fogaado ibtilada ubadka ugu timaada adeegsiga mukhaadaraadka waa in hooyada iyo aabuhu ay xoogga saaraan iney ubadkooda ka dhawraan ibtilada ka dhalan karta isticmaalka mukaahadaraadka iyo daroogada

Hadaba si lamida qaabka ay hooyada iyo aabuhu ugu ilaaliyaan ubadkooda cudurada ku dhaca oo ay jadeecadu kamidka tahay, waxay waaridku awood u leeyihiin iney dhallaankooda ka caawiyaan isla markaan ka ilaaliyaan isticmaalka drugska iyo mukhaadaraadka iyagoo ku boorinaya xaqiiqooyinka saxda ah ee mukhaadaraadka si aysan nafsadooda khatar u galin iyo waliba waxay ka qabto mukhaadaraadka diinteena suuban ee islaamka.

Climi Baaris lagu sameeyay xiriirka waalidka iyo ubadka.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday marka aysan  dhalaanku ku qancin hadalada waxyaabo ay danaynayaan oo ay waaridka kala hadlaan amaba ay caruurta laf ahoontooda is weydiiyaan , in jawaabaha arintaasi ay ubadku is weydiiyaan ay u doonaan meelo kale oo aanan la isku halayn karin sida iney khatar galiyaan nafsadooda si ay waxaasi u soo ogaadan amaba uga soo war helaan, sida isticmaalka daroogada iyo mukhaadaraadka oo la aaminsan yahay in caruur badani ay ku bilawday tijaabo ay markoodii hore ku saleeyeen ka war doonid yo bal ine soo ogaadan waxyaabahani waxay yihiin.

Da’da ugu horeysa ee garshada ubadka.

Da’da 7 sano jirka iyo ka hor, dhalaanka da’dani ku jira waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin waaridka waayo way kasoo gudbeen caruurnimo aysan ku hadli karin oo waxaa bilaw u ah hadaaqida, hadalka iyo la sheekaysiga waaridka waxaa haboon in wakhtigaanba ubadka lagu bilaabo in looga sheekeeyo wax walba oo khatar galin kara nafsadooda isla markaana faa’iido iyo horumar u sameyn kara noloshooda, tusaale ahaan hadii ay dhacdo inaad ubadkaaga siiso kaniiniga qandho jabinta amaba sharoobo fitamiin ah ku wargali oo uga sheekee ubadkaaga faa’’idada ay daawadaasi u leedahay jirkiisa, waxaana wakhtigani lagu tilmaamaa mid waaridka looga baahan yahay taxadar aad u badan oo ku aaddan dhalaanka iyo qaab isticmaalka waxa ku xeeran deegaanka uu ubadkaasi ku nool yahay, si loogu saleeyo talooyin ubadkaasi ku hagi kara iney si wanaagsan u maareeyaan noloshooda kolka ay koraan.

Kaba soo qaad hadii uu ubadkaagu la kulmo ruux cabaya sigaar amaba cunaya qaad waa muhiim inaad uga digto una sharaxdo dhibaatooyinka sigaarka waxa uu ka sameysan yahay khatarta uu u leeyahay jirka iyo muhiimadda looga baahan yahay inuu ubadkaasi ka fogaado waxa aad ka waanisay, iyadoo arintanina ay dhaxalsiinayso in ubadkaasi uu ka feejignaado isticmaalka mukhaadaraadka, iyo khatarta uu u leeyahay jirka banii’aadamka.

Waa muhiim in da’yareey  inaad dhegta u raariciyaan marka waalidiintu ay idiinka sheekaynayaan khatarta mukhaadaraadka waayo waxay saameyn xun ku reebi kartaa noloshooda oo uu ilaahay subxaana watacaalaa ugu talo galay inaad si wanaagsan oo qurux badan uga faaideysato, dhinaca kale waaridka iyagoo ka faa’idaysanaya fursada la sheekaysiga iyo wada hadalka ubadkooda waxaa lagama maarmaan ah iney si cilmiyaysan ubadkooda uga dhaadhiciyaan guud ahaanba khatarta mukhaadaraadka, saameynta ay nafsadooda ku yeelanayso, iyo dhibaatooyinka saxda ah ee ay mukhaadaraadku sababai karaan sida qabatinka isticmaalka mukhaadaraadka iyo dhaawaca dhinaca caafimaadka.

Hooyo amaba aabe hadii ay dhacdo in mid kamida ubadkaagu uu ku weydiiyo mukhaadaraadka sida koolada sigaarka, xashiiska, qaadka iyo wixii la halmaala waa muhiim inaad ilaa xad isku daydaa sharaxad cilmi ku dhisan inaad siiso hadii kale isku day inaad jawaab u raadiso su’aasha ubadkaasi uu ku weydiiyay adigoo la kaashanaysid ruuxa kuugu dhaw ee aad is leedahay waxbuu ka garanayaa jawaabta ubadkaaga oo loo maro dhinaca wanaagsan.

D’ada 8 ilaa 12

Sideed sano ilaa iyo 12 jirka, maadaama caruurtaadu ay maalinba maalinta ka dambaysa korayaan waa muhiim inaad adiguna aqoonsanaataa in khatarta ku xeeraan marka ay ubadku koraan ay khatartuna sii kordhayso, waayo cunuga marka uu yar yahay xiriirka bulshada qeybaheeda kala duwan uu la leeyahay way xadidan tahay balse marka uu koroba waxaa kusii badanaya xiriirka uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bul;shada oo ay ugu imaan karto wanaag iyo xumaan labadaba marka adigoo taas ka duulaysid waxaa muhiim inaad niyadda u furto ubadkaaga una samayso wakhti aad kula sheekaysato, ulana wadaagto fikradaha suubaan ee sababta ka dhigi kara inaad deegaanada xunxun oo idl aad ubadkaaga uga iaaliso.

Waa muhiim inaad la sheekaysto wakhtiyada qaar ubadka sida waxyaabaha ay soo arkeen, iyo aragtiyada ay ka aaminsan yihiin isticmaalka waxyaabaha ku xeeran oo ay mukhaadaraadku kamidka yihiin waana inaadan ku caroon ee aad uga jawaabtaa su’aal walba si daacdnimo ay ku dheehan tahay ilaalina caruurnimadooda, waayo hadii aad uga carooto amaba aad ku garaacdo su’aal aad jawaab wanaagsan kasiin kartay waxay horseedi kartaa inuu is yiraahdo waxaan waa inaad soo tijaabisaa lagugu garaacay.

Caruurta da’da 8-12 sano jirka ah waxaa lagu tilmaamaa iney yihiin kuwo inta badan ay hadaladooda u furan yihiin waxayna inta badan  weydiiyaan waarida wax kasta oo u muuqda amaba la taaban karo, waayo marba marka kasii dambaysa ee ay sii korayaan xiriirka waaridka iyo ubadku waa uu sii yaraanayaa marka waa inaad sii talooyinka aasaasiga ah nolosha caruurta inta ay xiriirka tooska ah kula wadaagaan hadii kale waxaa dhib kugu noqon doonta inaad ilaaliso wakhti ay wax walba faraha ka baxeen.

Waa in waaridku ay labaabada u furan su’aal walba oo ubadka ka timaada gaar ahaana kuwa ay ka dhalan karto khatar nafsadooda galaafata, hadii ay dhacdo inaad la kulanto caruurtaada oo ka doodayo isticmaalka shay amaba dhiibaatada mukhaadaraadka waa fursad fiican oo aad hal mar ugu wada gudbin karto fariin qaaliya, taasoo caawin doonta mustaqbalkooda dambe.

Da’da 13 ilaa 17

Da’da 13 ilaa 17 sano jira waxaaba dhici karta iney leeyihiin saaxibo istcmaala mukhaadaraadka iyo daroogada taasina waxay horseedi kartaa inay ubadkaasi kale ku dhiiri galiyaan isticmaalka daroogadaasi, hadaba wali waaridku fursad ayay haystaan ay ubadkooda ku ilaalin karaan sida ka warqabida dhalaanka kale ee uu cunugaagu saaxiibka la yahay, wayna dhici kartaa inuu ubadkaagu uu su’aal kaa weydiiyo wax uu ku soo arkay cunug kale marka hadayicin ubadka uu rabbi kugu irzaaqay ee isku day ilaa xad inaand ka ilaaliso isticmaalka mukhaadaraadka, si mustaqbalka ay u noqdaan ubad kusoo faaiiday koriimada waalidkooda ayna noqdaan kuwa manaafacaad leh oo wax tar u ah diintooda, dalkooda, iyo dadkooda oo ay labada waalid ugu horeeyaan.

Si kastaba ha ahaatee markii aad arimahan oo kale kala hadlayso ubadkaaga kaliya haku koobnaan khataraha iyo saameynta ay leeyihiin ee sidoo kalana ku boori khatarta uga imaan karta deegaanka iyo dalalka ay ku nool yihiin gaar ahaana dhinayada sharciga sida islaamka waxa uu ka qabo eruuxa usticmaala mukhaadaraadka, ciqaabta uu mudan karo iyo hadiiba uu ku nool yahay qaar kamida dalalka horumatray amaba kuwa ay dawalduhu ka jiraan in lagu xugmin karo xabsi dheer iyo kahatarta ku lug lahaanshiyaha falal dambiyeedyada ay dilalka ugu horeeyaan, waana muhiim ka ilaalinta khatarta mukhaadraadka ee ubadka.

Caafimaadka iyo wada noolaanshaha qoyska.

Waaridka caruurta iyo guud ahaanba qoysku waxay isku xirnaantani u horseedi kartaa iney noqdaan qoys ka nabad gala mukhaadaraadka iyadoo hadana ay dhici karto in caruurta in badan talooyin laga siiyay isticaalka mukhaadraadka ay ku dhiiradaan iney hadana isticmaalaan, si kastaba ah ahaatee waxaa la isla wada qiray in caruurta ugu isticmaalka badan mukhaadaraadka iyo daroogada ay yihiin kuwa saaxiibka la ah caruurta kale ee daroogada isticmaasha iyo kuwa sidoo kale waaridkooda ay si qayaxan uga barta isticmaalka mukhaadaraadka sida in aabaha ubadku ay ku arkaan isticmaalka mukhaadaraadkaasi sida sigaarka oo uu ku dhex cabo amaba uu u dirsado iney usoo iibiyaan taasina ay caruurta dhaxal siiso iney ka wardoonan waxa ay ku arkaan aabahood.

Dhinaca kale waxaa jira tiro kale oo kamida caruurta ku dhiirata isticmaalka mukhaadaraadka iyo daroogada oo ah kuwa dareen ahaan u muuqda kuwa ka takooran bulshada inteeda kale sida ubad  aanan waarid iyo walaal haysan oo isku haysta iney bulshada ka faquuqan yiihin, taasii oo ugu dambeyntiina ay dhaxalsiiso isticmaalka daroogada iyo mukhaadaraadka oo noloshooda ubadkaasi masaxa.

Ogoow Caruurta iyo Qoysaska ay caruurtaadu Jaalka la yihiin.

Hadaba ugu dambeyntii waxaa muhiim ah in hooyada iyo aabuhu ay ogaadaan caruurta jaalka amaba saaxiibka la ah ubadkooda iyo waliba waalidkood, noqo waarid saameyn ku leh nolosha caruurtiisa, hadiiba aad ka war hesho ololayaal lagu bartilmaameedsanyo ka hor tagidda mukhaadaraadka iyo daroogada waxaa muhiim kuu ah inaad ka qeyb qaadato si ay fariin dhaxal gal ah ugu noqoto ubadkaaga.

Waa inaad wakhti walba aqoonsanaataa halka ay wakhtiyada ku bixiyaan ubadkaaga waayo koriimada ubadku waxay qiime weyn u leedahay natiijada caruurta ku timaada marka ay koraan, gaar ahaana wakhtiyada dhibaatooyinka ay jiraan sida colaadaha iyo dagaalada sokeeye oo meesha ka saaray maamulkii dawladnimo oo wax badan oo halis galin kara nolosha ubadka ay guud ahaanba dalka ka bilawdeen kuna faafeen., kuwaasi oo saameyn balaaran ku yeeshay da’ayarta Soomaaliyaeed waxaa hubaal ah iney aad uga badan yihiin caruurta aanan daryeelka haysan ee haatan soomaaliya ku nool kuwii 15 sano ka hor darbi darbiga ahaa, waxayna arintaasi horseed u tahay kuu biiridi isticmaalka mukhaadaraadka iyo daroogada oo noqday kuwa farihii ka baxay iyadoo dhabayaasha magaalooyinka waaweyn aad ku arkayso ubad u go’doomay isticmaalka mukhaadraadka iyo daroogada.

Dareenka qoys walba hadii lagu saleeyo mid albaabadu ay isu furan yihiin ubadkana lagu dhiiri galiyo in looga jawaabo dareen walba oo ay ka hadlaan gaar ahaana khatarta mukhaadaraadka iyo daroogada, in looga ham,byeeyo amaba looga mahad celiyo guulaha iyo fikradaha wanaagsan  ee ka yimaad ubadka waxay caruurtaasi horey ugu sii wadaa dhinaca horumarka iyo ku guulaysiga nolosha qiimaha leh.

Ugu dambeyntiina waaridka waxaa looga baahan yahay iney ku dhiiranaadaan ka jawaabida su’aal iyo dareen walba oo ka yimaada ubadkooda, waayo hadii ay dhacdo in laga xanibo jawaabaha su’aalahaas waxaa dhacaysa iney jawaabta arintaasi ka raadiyaan meel kasta oo ay u arkaan iney ka heli karaan, taasna waxay bilaw u noqon kartaa xiriir dhinaca aan wanaagsanayn ah oo dhex mara ubadkaaga iyo deegaanka aad ku nooshahay, hadaba si aad arintaasi uga gaashaamto waa inaad niyadda ku haysaa sida ay muhiim u tahay inaad cudurada caruurtaada uga ilaaliso iney iyaduna qaali tahay ka ilaalinta ubadka khatarta mukhaadaraadka iyo daroogada.

WD. Zahra Maxamud Cabdulle.(Zahra keef)
[email protected].
Nairobi Kenya.