Alshabaab oo sheegtay in ay Maamul u dhisayso Degmada Afmadow Gobolka Jubada Hoose.

Posted on Nov 24 2009 - 8:15am by News Desk
Tweet
Pin It

1_902839_1_34Bartamaha(Afmadow):-Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan maamul u dhisayso Degmada Afmadow Ee Gobolka Jubada Hoose.

Ku xigeenka Wilaayada Jubooyinka Ee Xarakada Alshabab Sh.Xuseen Cabdi Geedi oo meel fagaara ah kala hadlayay dadka ku dhaqan Afmadow ayaa waxa uu sheegay in loo dhisayo Maamul Islaami ah.

Sheekh Xuseen ayaa sheegay in Wilaayada Islaamiga ah ay dhawaan maamul u samaynayso Deegaanka Afmadow si shareecada Islaamka deegaankaasi looga hirgaliyo.

Hogaanka Xarakada Alshabaab jubooyinka ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo dhammaan wax walba oo shareecada Islaamka dhib u keeni kara si Umada wanaaga loo gaarsiiyo.

Saraakiil kale oo deegaankaasi ka soo jeeda oo shalay fagaraha ka hadashay ayaa waxa ay sheegeen in dhawaan shareecada Islaamka laga dabaqi doono dadka ku dhaqan Afmadow.

Laba cisho ka hor ayaa deegaankaasi waxaa ka baxay Ciidamadii Xizbul Islaam kuwaasi oo ka talinayay Degmadaasi Afmadow ka dib markii ay in mudda ah dagaal kula jireen Ciidamada Alshabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.