Abwaan Cabdirashiid Cumar Al-Khaalidi (ina cowsgurow). Oo soo bandhiga ”Haan Gabayeedkiisii” ugu horeysay

Posted on Mar 4 2010 - 11:13am by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

cawgurow

Abwaan Cabdirashiid Cumar Al khaalidi (ina cowsgurow). Waa Abwaan da’yar oo ku dhashay Magaalada Garissa Sanadku markuu ahaa 1980.
Waxuuna ka mid yahay hada Hal abuurada Soomaaliyeed, Abwaanku wuxuu Gabayo ku tiriyaa Luuqadaha Igiriiska iyo Soomaaliga iyo luuqada sawaaxiliga, isagoona hada soo saaray Calajad cusub oo ka kooban Toban Gabay.
Si ka gedisan abwaanadii isaga ka horeeyey iyo waliba fanaanintii horey u sameeyey heesaha abwaanka waxa uu dorrbiday in gabeyadiisa uu meel isu geeyey ka dibna u bixiyo magaca ” Haan maanseed” isagoo diidan adeegsiga magaca ” album” oo eray laga dhaxlay luuqad qalaad. ”Album waa shey wax lagu shubto,haana waa sidoo kale marka maxa nagu qasbaya in aan isticmaalno erayga ” Album ” inagoo heli karta erey soomaali ah oo u dhigma”.
Haantaan Gabayada ah ee cusub waxaa lagu magacaabaa Dheelmato Waxeyna ka kooban tahay Gabayo ka kala hadlaayo arimo kala duwan oo ay kamid yihiin Nabada, Dagaal, wacyigelin ku saabsan cudurka dilaaga ah ee Aids-ka iyo waliba kor uqaadida Luuqada Soomaaliga oo uu abwaanku ku muujinayo in leejada kasta oo kamid ah afka Soomaaliga ay leedahay xaqeeda.
Inta badan dadka Soomaaliyeed ee ku so barbaaray gudaha dalka soomaaliya waxay ku xagliyaan kuwa aanan kusoo korin dhulka soomaaliya in ay yihiin dad badan kooda aanan wax badan ka aqoonin luuqada soomaaliga, dadkaaso ay ku jiraan kuwa ku dhaqan Gobalka Waqooyi Bari Kenya oo uu ka soo jeedo Abwaankaas waxaana loo bixiyay magac arintaas la xiriiro oo ah ”Si kaasoo macnihiisu uu yahay in aynan waxba ka garaneynin afka Soomaalidu balse waxaa arintaas beeniyay Abwaan kaan da’da yar ee lagu magacaabo Cabdirashiid ina cowsgurow oo ku dhashay Gabolkaan waqooyi bari Kenya asaga oonan soomaaliya waligiis arkina si wanaagsan ubartay luuqada soomaaliga hadana ku gabyay luuqada lawada fahmi karo.
Ka hor inta uunan u amba bixin magaalada gaarisa oo uu ku soo bandhigaayo Haantiisaan cusub abwaanka Maalinimada bari ah Taarikhduna ay tahay 14/feb/2010 ayuu abwaanku wareysi uu siiyay webka somalitalk waxuu oga warbixiyay sida tan.
Waxaan ku dhashay magaalda Garissa sanadii 1980 halkaas oo an ku soo qatay waxbarashadeyda ilaa heer dugsi sare.
Hada waxaan dhigtaa jaamacad ku taalo magaaladaan Nairobi, waagaan yaraana waxaan xiseyn jiray in aan dhageysto ama aan xifdiyo Gabayada Sayid Maxamed Cabdile Xasan. Dhoodaaan, Abshir Bacadle iyo Careeys Cise Kaarshe.
Waxaana aan anigu toos ubilaabay inaan gabyo sanadii 2003, gabaygeeygii ugu horeyay ee aan tiriyo waxaa ladhihi jiray Qurxan, markaas kadib waxaan horay usii waday in aan marba ka alifo xaaladii aan isdhaho waa ay ku haboon tahay in gabay laga tiriyo.
Hada waxaan dhameyay Haanteeydii Kowaad oo ah mid Maqal iyo Muuqaal ah waxaana ay ka kooban tahay 10 toban Gabay.
14/feb/2010 ayaana ku soo bandhigayaa Magaalada Gaarissa oo ah meeshii an ku dhashay ahna magaalo aad la iga xiiseyo, markii aan kasoo labto Gaarisa waxaan in aan hadana diyaarinayaa Haantii labaad oo aan rabo in dhawaan aan soo saaro, taaso ayadana ah Maqal iyo Muuqaal, waxaana I diyaarsan hada 6, lix gabay oo kamid ah kuwa aan ku soo saari doono Haanteyda labaad ee ku xigto tan aan hada u soo bandhigaayo Shacabka Soomaaliyeed ee Fanka jecel taasoona la dhaho Dheelmato.
Mar uu ka hadlayay Abwaanku habka u tiriyo Gabayadana wuxu yiri.
Aniga Sadex qaab ayaan u tiriyaa Gabayadeyda kuwaaso kala ah Sadex leydii Sayidka, Saarkii Careeys Cise Kaarshe iyo habka uu ugabyo Dhoodaan.
Si kastaba ha ahaatee abwaanka ayaa waxu kasii warbixiyay Haantiisaan cusub ee lagu magacaabo Dheelmato iyo waliba Gabayada ku jiro Asagoona hal hal oga sheekeyay waxuuna ku bilabay Gabaygiisi ugu horeyay ee Qurxan kaaso hadana ku jiro Haantaan cusub waxuun yiri asagoo mid mid oga warbixinaayo Gabayadiisa u waramaayay Wabsite ka Somalitalk sida tan.
Gabayga Qurxan
Qurxan waa Gabaygeygii ugu horeyay ee aan tiriyo waxaana iga keenay Caro iyo xanaaq ja yimid fal qaab daran oo ay sameysay gabar uu abwaanku ugu magac daray Qurxan ay sameysay.
Qurxan waa canaan uu abwaanku ku canaanayo dadka soomaaliyeed asagoo carabka ku ad keynaayo falalka akhlaaq darida ku saleysan ee qaar kamid ah dadka soomaaliyeed ay sameyaan Sida wax yaabaha Qurunka ah oo wadada lagu seyriyo, masuuliyada oo anan lo ilaalinin sida la iskugu dhibo, qofka weyn oo anan la xushmeynin iyo waliba
Dan Qof iyo anaaniyo (the individual not caring about the society).
Gabayga Difaac
Gabayga difaac waxaa ku jirto arayo uu abwaanku ku saxaaayo afka soomaaliga gaar ahaan qof kasto oo lahjadiisu la weyn tahay ama ey kal fiican tahay lahjadaha kale oo ay soomaalidu ku hadasho. Waxuuna yiri Abwaanku asagoo ka sheekeynaayo Gabayga Difaac “Af guri af guri ka fiican ma jiro ayuu lamid yahay nuxurka gabayga difaac”.
Gabayga Ma’lamo
Ma’malo waa Gabay tilmaamaayo xanuunka dadka soomaaliyeed kasoo garay dagaalada sokeeye ee ka jiro gudaha wadanka soomaaliya dhibaatada badan gaarsiiyay shacabka aanan waxba galabsanin ee maatada ah.
Waxuuna isku dayay Muri maalkaan inuu falanqeyo waxa sababay colaadaha aanan daba go’a laheyn iyo Wafuuda ama madaxda loo diro Shararka soomaaliya nabada loogu raadinaayo ayadoona Erayada ay kamid yihiin kuw ku jiro Gabayga Ma’lamo
Cid walbaba majnuun bey u diri geed maslaxa done.
Oy waano meerini inuu magac u doodaaye.………..
Mansab reerka meeqaan la siman meesha kabakeene
Sidoo kale Bartamaha Gabaygaan Abwaanku wuxuu dadka Soomaaliyed qaarkood ku tilmaamay iney la mid yihiin:
Qof isku dayay inuu maalo aar ama qof waalan oo midi u afeystay inuu Qodax kaga bixiyo Maroodi ama uu qodxiyo maroodi ay qodax ku jirto.
Soomaaliyna misaalkaa cad buu yahay muraaf-keeda.
Mid walbaba madaafiic ugaday muran dhameentiye…
Ayuu ku leyahay qeybaha dhexe ee gabaygiisa Ma’lamo.
Gabayga Xikmo
Xikmo waa gabay xarafka (Dh) dha ku socdo, Tilmaanta Gabaygaan wuxuu Abwaanku ku tilmaamay in aay Xikmadu tahay shey dahsoon oo inta badan dad ku aynan dareemeynin waxaa kamid ah tixda gabaygaan.
Iyadoo durbaan qaadato danab ka yeersiisay.
Yuu doofilkaan maan-laheyn abid dareemeyne
Dhanka kale ayadoo ladhaho dadka soomaaliyeed waxey inta badan sameyaan bowsi oo xaga wax barashada kuma horeyaan ayuu gabaygaan waxuu u far fiiqayaa umada soomaaliyeed iney tahay kuwo tacliinta jecel asagoona ku yiri gabayga dhexdiisa sida tahan.
Maxaan oga dareemeyn sidaas kuwii daruus qaatay.
Qabyaalada oo ah cudurka ugu weyn ee soomaalida haysato ayuu ka ayadana sidatan mar uu dhankeeda ku eegay gabayga Xikmo oo dhinacyo badan wax ka tilmaamaayay.
Kuwii iney daweeyaan ahayd baa usii darane
Duriyaad duruus jaamacad beesha ugu deeqday
Oo dahan qabiil baa jiro dalabka naafeyne…..
Dhanka kale waxuu Gababada Gabaygaan waxuu kula hadlayaa Mutacalimiinta ama dadka wax bartay ee soomaaliyed kuwaaso loo bahan yahay iney ufaa’ideyaan dadkoda.
Adigoo duruus qaadatoo door shaqaad gaartay
Hadaad sidii duqii tuuladiyo doqon u faalooto
Dalka dumisay daawana ma lihid daalimka tahaye
Hadaad doorsameysay jaahiloow daniyo yeelkeeda
Ayaa kamid ah erayada ku jiro gabayga Xikmo oo ah gabay ka hadlaayo xikmada dhinacyo faro badana wax ka tusaaleynayay dadka soomaaliyeed.
Gabayga Dheelmato.
Gabaygaan oo ah kan loogu magac daray Haanta koowaad ee uu leyahay abwaan C/rashiid Cumar (ina cowsgurow).
Gabaygaan Dheelmato abwaanku waxuu markiisu hore ku qoray luuqada English-ka balse markii danbe ayuu uturjimay afka soomaaliga oo uu hada ku qoran yahay.
Taariikha curiska gabayga dheelmato.
Dheelmato waxuu ku dhashay abwaanka asagoo joogo magaalada Kwale oo ka tirsan Gobalka xeebta, xilgaas oo uu ahaa macalin wax baro dad halkaas ku sugan ayuu shegay in Kwale ay tahay meel Kaneeco badan.
Waxuna ka hadlay arinta kaliftay in uu sameyo Gabaygaan, waxuuna yiri.
Habeen habeena kamid ah ayaan ilaaway in aan xirto Shandarawadii aan ku seexan maadaama ay meeshu aheyd meel aad u kaneeco badan.
Balse markii aan xoogaa jiifay ayey kaneeco iga dharagtay oo ay hurdadii ididay waxuna yiri waxaan soo kacay mar danbe anigoo kor koo dhan I xanuunaayo, hurdada I haysay oo badneyd iyo bal balka jirkeyga ayaa isla markiiba waxaa igu so dhacay
Gabayga dheelmato Erayo kamid ah oo markii hore uu ku qoray abwaanku luuqada English-ka waxuuna yiri isla meeshii ayaan ku qoray Erayo ay kamid ahaaneen kuwaan.
My nightly visitor…
My bashful nifty lover
She trusts the darkness most
And appears only on night
Bashful
Mudo kabacdi ayaa erayadaan waxaa arkay qoraaga soomaaliyeed ee lagu magacaabo Khaliif Ashkir Diini, isla markiiba Qoraagu wuxuu kula taliyay Abwaanka inuu Gabaygaan ubadalo Afka Soomaaliga.
Waxuuna sheegay iney ila qurux badnaantay inaan raaco talada Qoraaga oo aan saxiibo nahay. Markaas ayaana u howl galay inaan gabayga soomaali uturjumo,
Gabayga dheelmatana waxaan ka keenay halkaas.
Dheelmato.
Bilowga Gabayga dheelmato Abwaanku wuxu oga sheekeynayaa Gabar uu shukaansaday oo uu jeceyl ku dhaliyay isla markaasna isaga sidaas kula saaxiibtay.
Gabartaas wuxuu ku limaamay iney tahay gabar xishood badan oo habeenkii un usoo dheelmato.
Waa inan xishood dhaaday oo dharar hiloow qaaday
Iyo dhamac jaceyl uu ku dhumin dhaqanka suuboone
Dharaar iima soo faalashee dheelmadkey garane….
Ayuu leyahay abwaanka gabaygu siduu oga sheekeynaayo xiisaha jacelka iyo waliba sida ay dadka isjacel iskugu dhibaan xisaha jacelka ayey sheekadii mar qura is badashay kadib markii ay Gabadhii Mudac Dhareer daadiya saaxiibkeyd ku dharbaaxday.
Balse arinta la yaabka leh ee gabayga ku jirto ayaa ah in ninkii loo soo dheelmaday uu Uur qaaday.
Anigana dharaaraha xigaan dhagarti eedaayee
Iga dhaaf allow ruux ma dhoho aan dhadhamin ceebe
Balse markii ay gabayga dheelmato aqriyeen qaar kamid ah qorayaasha iyo waliba hal abuurada kale ee soomaaliyeed ayey ku tilmaameen inu yahay gabay mid miisaan culus leh.
Waxuuna ku tilmaamay Khaliif Askir oo ah qoraaga caanka in Gabaygaan uu yahay sidaan.
Waa gabay mug murti iyo madadaalabo leh.
Waa maahir hadalkii.
Waa muhasho hal abuur aan dab yar shideyn ka soo maaxday.
Waa mira Bada loo quusay oo Maanyo hoosteeda laga soo guray. Ayuu yiri Khaliif Ashkir.
Sidoo kale Gabayada kale uu tiriyay abwaanka waxaa kamid ah Gabay ka hadlaayo
Shaaha oo asna la dhaho Shiqlo Daar.
Gabayga Shiqla-Daar.
Shiqla daar waa Gabay Shaah amaan ah oo uu Abwaanku ku tilmaamaayo sida ay Soomaalidu u jecel yihiin ama ay u cabaan Shaaha. Waxuuna kadanbeyay tirinta gabaygaan kadib markii abwaanka ay ku yiraahdeen dad yaqaano hadii ay gabayadaadu run yahiin bal shaaha gabay ka tiri. Waxuuna markaas tiriyay Gabayga Shiqla-daar oo ay ka mid tahay tuducdaan.
Shactirada shuhuubaad koroo sheegin baa jira’e
Sheeka fudud shucuubta rabtiyo shey ka qososhiine
Shiqla daar shidada noolasha shaafi loo qiraye
Sha’nigiyo ujeedada ilaa taa ka sharax weyne
Gabayga Irdha-beer
Waxaa uu mu’alifkaan uu oga oga hadlay Gabaygaan Qabiilka iyo Qabyaalada .
Qabyaalada waa qabiilka oo si xun loo isticmaalo. Meeshey Qabyaalada Taalo Qabiilku waa Irdha beer ama sheey dadka kala irdha galiya.
Adeegsiga qabiilkoo asbaab ururin loo haysto
Oo shey abaabula midnimo umada moodeyso
Ayaa saa aduudaa irdhiyo kal tag aafeede
Mar kale waxuu leeyahay asagoo kahadlaayo sida qabiilku yahay hadii loo adeegaso six un.
Abaquba abquu leeye iyo odax kunaafeyne
Fikrada qabiil ku faanka ayuu ku muujiyay gabaygaan in ay tahay wax xun, asagona yiri
Qof haduu qabiil dartii kugu jeclaado, qabiil dartii ayuu kugu nacaa.
Abqadii dhirtaan abaq ahayn, liid u aragtaabo
Abqa laan agteeda midduu abaq walaaleeyay
Iney kaba udgoontey in badan uur ku sidataaye
Albaab xira qabyaaladi ma jiro hoos u orodkeedae
Bah bah bay abaartaa Markey aabo waysaaye……
Ilwaliba anaa fiican bey ku anda cootaaye…
In kastoo aaynan macquul aheyn in qoraal kaliya lagu soo koobo Gabayada uu tirayay abwaan Cabdirashiid Cumar Al-khaalidi (ina cowsgurow).
Oo hada soo saaray Haantiisii ugu horeysay oo ka kooban Toban gabay ayaa hadana waxaa kasoo qadaneyaa Gabaydiisa intaas ayadoo ay jiraan gabayo kale oo ka kala hadlaayo Arimaha Bulshada Sida Gabay ka hadlaayo Aids ka oo faro kulul ku hayo qaar kamid ah dadka ku nool wadankaan Kenya.
Waxaa kale uu abwaanku u tirayay Gabayo Saar ah asagoona luuq ahaan aad ushaho Abwaankii weyna ee Careeys Cise Kaarshe waxaana kamid ah Saararka uu tiriyay abwaanku mid ka hadlaayo Qaraxii Hotelka Shamoow ee ka dhacay 03/Dec/2009.
Saarkaas oo ladhaho Fatwo.
Waxuu ka kooban yahay
Canaan soomaalida lagu canaanayo
Hanuunka Eebe oo uu abwaanku leeyahay waa waxaan lagu faani Karin
Takfiirka ama gaaleynta fariin dheeli tiran oo uu ka jeediyay iyo
Dulqaad dadka soomaaliyed meel kasto oo ay joogaan la faraayo.
Saararka kale uu abwaanku tirayay waxaa kamid ah Aids-ka mid ku saabsan iyo waliba mid kale oo ka hadlaayo Fayo-dhoow oo ku saabsan arimaha caafimaadka iyo sidii xaalada caafimaad logu noolaan lahaa.
Isku soo wada duuboo Abdirashid Omar waa abwaan soomaaliyeed oo da’yar waxuuna hada ka mid yahay ardayda Saxaafada ka barato Moi University
Waxeyna oga duwan tahay Haantaan Cusub ee uu soo saaray Abwaankaan, in gabayada ku jiro Haantaan ay yihiin kuwo maqal iyo muuqaal ah hadana aad loo farsameyay.
Guud ahaana waxaa laga soo dhaweyay Haantaan wadanka Kenya oo uu hada joogo Abwaanka. Waxuuna sheegay Wariye Maxamed Cabdi Bootaan oo ku sugan Gobalka Xeebta gaar ahaan magaalda mambasa in haantaan ay tahay tii ugu horeysay oo uu aad ula dhaco halka Maxamuud Ali Maxamed oo Bariga Qaarada Africa u joogo BBC-dana joogana uu sheegay in muuqaalada saaraan gabayada abwaanka iyo codkiisuba ay yihiin kuwa isku dheeli tiran.
Ugu danbeyntii abwaan C/rashiid Cowsgurow oo hada kusoo bandhigaayo Haan Gabayeedkisa cusub Xarunta Gobalka Waqooyi Bari Kenya ee magaalada Garissa ayaa sheegay inuu sameyn doono dadaal kasto oo lagu hor marinaayo Sugaanta Soomaaliyeed asagoona intaas ku daray in afka soomaaliga oo yahay mid hodan ah marka loo fiiriyo afafka kale ee uu ku gabayo sida kan Ingiriiska iyo Sawaaxiliga.

————-
Abdisalan Mohamed Ali (najah).
[email protected]
Nairobi-Kenya