Bartamaha (Addis-Ababa):- Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa daaha ka qaaday in Alshabaab ay hada hayaan wadadii ay ku burburi lahaayeen.
Meles Zenawe ayaa daaha ka rogay in shabaab ay hada saaran tahay buundadii la burburi lahayd islamarkaana dhawaan la waynayo magaca Kooxdaasi Alshabaab oo muddo dalka soomaaliya aad u qasaysay dhibaata badana ka gaysatay gudaha dalka.
R/wasaare Meles waxaa uu sheegay in Xarakadda Al-Shabab oo gobolo badan oo Somali ah gacanta ku heyso ay muuqato mid fashilantay oo dhawaan shaashada laga waynayo markii ay dhibaata badan gaarsiisay dhibanayaasha Soomaalida ah.
“Alshabaab Jidkii Burburka ayay hada ku socdaan waxaana daliil u ah cadaadiska dadka iyo dhibaatada ay dalka ka gaysteen waana ay burburayaan dadka niyada taas haku dagsadaan……” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Zenawi.
Hadalka masuulkan ayaa u muuqanayay mid uu ugu tala galay Bulshada Soomaalida in ay niyadooda ka saaraan sii jiritaanka awooda Kooxdan aadka looga baqanayo ee Alshabaab oo qalqal amni daro ka abuurtay geeska Afrika.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika
Ascww
Al Shabaab waa arin u taal Somaliya,ee adiga meeshii aad ka gali lahayd Kacankii ay u horseeday Qaarada AFRIKA iyo DOWLADAHA CARABTA DALKA TUNISIA ka tasho sxbow.-
Oromo,Amxaro iyo Somali ONLF ayaa mar dow banaan bax kuugu soo socda.-
Nasiibka.-
waxaa markhatii ah in webkan iyo webaabkale oo magaca somaliyeed ku adegto in ey yihiin afeyanka itopiya iyo meles. meles zenawi ma madaxweyne somaliyed ba?( Hadalka masuulkan ayaa u muuqanayay mid uu ugu tala galay Bulshada Soomaalida in ay niyadooda ka saaraan sii jiritaanka awooda Kooxdan aadka looga baqanayo ee Alshabaab oo qalqal amni daro ka abuurtay geeska Afrika.bartamaha).