Akhristayaal Madaama la soo gaaray xiliga la baxsho Zakaatul Fidriga ayaa waxaan idin soo gudbineynaa siyaabaha loo baxsho zakaatul fidriga,cida ay ku waajibtay,waqtiga ugu haboon ee la baxsho,qadarka ay la egyihiin waxa la bixinayo iyo waliba waxyaabaha kale ee la xiriira zakadaasi.
Xikmada ku jirta bixinta Zakada
Xikmada Diin ahaan ku jirta in zakada la baxsho ayay Culumaa’udiinku sheegaan inay tahay 2 siyaabood:-
1-in maalinta ciida dadka islaamka ah ee aan waxba haysan ay faraxada ka qeybgalaan oo raashin ama lacag la siiyo
2-in qofka Musliminka ahi ee soo gutay acmaashii bisha ramadaan ay u noqoto zakadu mid loogu kabo madaama bini’aadamku wax ka qaldai karaan.
Yey ku waajibtay Zakadu:-
Zakada bixinteeda waxay ku waajibtay qof kasta oo Muslim ah ha yaraado ha weynaado marka laga reebo cunuga caloosha ku jira,sidoo kale waxay ku sii waajibtay qofkii haysta raashin ka badan maalintaas uu joogo iyo habeenkii.
Waqtiga ugu fiican ee la baxsho :-
Xiliga ugu fiican in lala baxo sakada ayaa lagu sheegay ka hor salaada Ciida intaan laga soo bixin, waxaana uu Rasuulkeena Muxamed NNKH sheegay in qofkii baxsha Salaada ciida ka hor laga aqbalayo balse qofkii ciida kadib baxsha zakada ay noqon doonto waxa uu bixinayo mid ka mid ah sadaqaadka lala baxo.
Qadarka uu la egyahay zakada la bixinayo:_
Culumaa’udiinka waxay sheegeen in zakada loo bixinayo labo siyaabood midood:-
1-in Lacag lagu baxsho.
2-in raashin lagu baxsho.
Sidoo kale qadarka la bixinayo raashinka ayaa ah 2kiilo iyo bar ilaa 3kiilo
Zakada waxaa la faray dadka muslimiinta ah sanadkii 2aad ee Hijriyada.
W/Q: C/fitaax Maxamed Salaad (Diyeeshe)