Bartamaha(Sanca):-Ciidamada Yaman oo gacanta ku dhigay dhalinyaro Soomaali ah oo looga shakiyay xiriir ay la leeyihiin Al-Qaacida.
Ciidamada la dagaalanka falalka Argagixiso ayaa shalay galinkii danbe Deegaan ku yaala Gobolka Ticis ku qabtay illaa 6-dhalinyaro Soomaali ah oo mid ka mida aad looga shakiyay.
Sargaal u hadlay Wasaarada Arimaha Gudaha Dalka Yaman ayaa sheegay in 6-dhalinyarada ah ee la qabtay mid ka mida oo lagu Magacaabo Nuur Cumar laga helay Computer Labtopkiisa astaama muujinaya in uu al-qaacida ka mid yahay.
Wiilka sida gaar ah looga shakiyay ayaa waxaa Sargaalkaasi uu sheegay in Cajalado uu watay ay ku duubnaayeen dagaalo Muqdisho ka dhacay.
Xabsiyada dadka lala xiriiriyo Al-Qaacida ayaa dhalinyaradaasi la dhigay Magaalada Sanaca Ee Dalka Yaman iyadoo weli baaritaan xoogan uu ku socdo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.