Bartamaha (Nairobi):- Shabakada warara Ee Bartamaha Media oo u dhexeysa dhammaan dhinacyada siyaasada isku haya iyo warbaahinta dalka ayaa waxa ay kuu soo bandhigaysaa jawaab culus oo ka timid Wadaad lagu Eedeeyay falal kala duwan oo magaca Somalimemo ku soo shirtagay kuna soo daabacay jawaab ka dhan ah Shabeele.
Bartamaha Media Network waxaad ka helaysaa Xaalad walba oo taagan iyo Jawiga halka uu marayo haatana waxa ay uidiin soo gudbinaysa Dagaalka ka dhexeeya Warbaahinta oo sii xoogaysanaya.
Idaacadda Shabelle Ma Geel Jiraa La Wareegay Mase Bhuko? Jawaab Ka Timid Abdiwali Dalboon !!!!
JAWAAB:- Ku Socota Idaacadda Shebelle Geelow Meeshu Waa Muqdishu:
Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Shalay oo Taariikhu ahayd Bishii September 27/2010, waxaa Idaacadda Shabelle qortay Faalo ay ugu magac dartay (Yaa ka dambeeya dilalka qorshaysan ee Muqdishu iyo Shirqoolada Saxaafadda) Faaladaas ayey kaga hadleen saddex Nin (1) Sheikh Cabdiwaaxid C/laahi Khaliif iyo Suldaan Maxamed Suldaan Garyare iyo aniga oo ah Abdiwali Bashir Warsame loona yaqanao Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon, waxaana lagu kala sheegay in aan kala joogno wadanka United Kingdom London, Swedin, iyo America.
Cabdiwaahid Khaliif si deg deg ah ayuu oga jawaabay qoraalka Suldaankuna waa isin oo malaha si wanaagsan ayuu u dhilaan dhilinayaa jawaabtuu ka bixin lahaa anigana waa ikan ee iga hooya Jawaab sida qoraxdii u cad.
Waxaan ka akhriyey sagaashameeyadii joornaal kamida jooraanalada Muqdishu ka soo bixi jiray Sheeko aad u cajiib badan oo ah tan aan ciwaanka ka dhigtay Sheekadaas ayaa waxaa ciwaan looga dhigay Geel Caasumaddii Soomaliya soo galay oo baadiyihii ka soo cararay markaas ayaa dadkii Muqdishu daganaa waxay u adkaysan waayeen Geela, wuxuu joornaalku hoosta ka xariiqay in Geelii lala hadlay oo la yiri Geelow maxaad ka soo doontay Muqdishu meeshu waa caasumaddii Gobalada dhexe ayaad ku fiicnayn, xiligaasna Muqdishu Dameer ayaa laga yaqaanay in Geel in la qasho loo keeno mooyaane Caasumadda lagama aqoon, haddii ay arkaana ciyaalku waxay oran jireen Geelow Gumbululux Gaalaa soo socda markaas ayaa Geelii hadlay oo yiri waa runtiin Meeshu waa Caasumaddii Soomaliya laakiin waxaa iga soo galay Caasumadda dadkii i raaci jiray!!!,
Marka hadda Idaacaddii Shabelle waxaan is lahayn waxaa qabsaday Bhuko ilaa Geel jiraa dhaxlay waxaan maqli jiray dhaxal Goronyo dhabidbaa leh hadda waa dhaxal Goronyo Geel jiraa leh ilaa Goronyada iyo Geeli waa isku eg yihiine, Geeriyey maxaad tartaa ayaan maqli jiray Nin boos waayaan boos u baneeyaa baa laga sheegay.
Haddii aan jawaab ka bixiyo horta waxaan oran lahaa C/waaxid ayaa yiri laakiin waxaan ku faraxsanahay Gaalka Bhuko iyo xertiisa doofaarka la cunaysay in ay afka qaylo ku shubteen waxaase ayaan daraa in anaga oo qurbaha joogna aan ka qiiroono xasuuqa Bhuko oo aad la cunaysaan doofaarka oo xasuuqaya shacabka soomaliyeed ee walaalaheena kuna ganacsanaya suuqa bakaaraha, ee jokoraaga Amisom ay guryahooda ugu yimaadeen.
(1) Waxaan ka jawaabayaa dilalka qorshaysan iyo shirqoolka Saxaafadda
JAWAAB: waxaan cadaynayaa in aanan wax idaacada shabeela iyo suxufiyiinteeda ku saabsan aanan qorin waxaan kaloo cadaynayaa in aanan waxba kala socon, waxaanse hubaa masuuliyiintii Idaacadda gacanta ku haysay, in ay meesha ka baxeen oo qolo aan aqoon saxaafadda iyo waxa ay qorayaan iyo cida ay ka qorayaan gacanta ay u gashay aniga Soomaliya waxaa iigu dambaysay Taariikhdu markay ahayd 1992 gaar ahaan Caasumadda Soomaliya, xiligaas da’ahaan aad ayaan u yaraa, marka waa wax lala yaabo in la yiraahdo dad buu dilay cajiib Malaha gantaal ayaan washingtong ka soo tuuray, koley ragga is kaleh Idaacadda Shabelle gaar ahaan kuwa suufiyaashaa ee siyaasiyiinta iska dhigaya waa kuwii hagayey gantaalkii lagu dilay Sheikh Shahiid Aadan Xaashi Cayrow, marka wiilashu ma arki waayeen kuwa dad kooda laynaya?. Bhuko ma adeerkood ayey u qabaan iyo Siyaasiyiintii shirqoolka ku dilay Sheikh Shahiid Aadan Xaashi Cayrow, waan ogahay in aysan walaalihiin ahayn ilaa towxiidka baraxa la ayaa nakala saaraye, laakiin markii aad qabiilka rabtaan ayaad marada tuurtaan.
(2) Waxaan ka jawaabayaa la haanshaha Shabakada Islaamigaa ee Somalimemo
JAWAAB: Waxaan cadaynayaa in aanan shabakada Islaamigaa ee Somalimemo aanan anigu lahayn waxaanse jeclaan lahaa in aan anigu leeyahay oo aan halganka ay gaalada wadanka ku soo duushay kula dagaalamayaan aan amaanteeda iyo libinteeda yeesho, laakiin waxaan ka xumahay in aanan anigu lahayn Shabakada Somalimemo, waxaana saas ugu cadaynayaa hanti aadan lahayn haddii Nin cabsan ku siiyo war ma lihi ayaa la yiraahdaa ilaa biri waa la iskaga daba imaanayaa oo ilaa baadi iyo Nin kii leh aragti ayaa ka dhaxaysee.
(3) Waxaan ka jawaabayaa lahaanshaha Shabakada Caalamigaa ee SomaliTalk
JAWAAB: Shabakada SomaliTalk ee Badda iyo Birri Soomaliya noo difaacda anigu ma lihi waxaanse aad u jeclaan lahaa in aan yeesho oo anigu maantay aan leeyahay waxaa iska leh saaxiibkay aan dunida ugu jeclahay, waa shabakad Caalamiya waana ku faraxsanahay in aad tiraahdeen SomaliTalk Abdiwali dalboon ayaa iskaleh ama wax ku qori jiray hadana waxaan ka xumahay in iidan iiga qaadi karin shabakada Saaxiibkay oo og in aan jeclahay Mareegtiisa soo dhicisa Khayraadka Soomaliya sida Badda, waxaanse hubaa in Rag badan in ay Colaad iigu qaadeen Khudbadii Sharif Axmed uu ka jeediyey Minneapolis ee uu Masaajidda uu ku weeraray waxaana daabacay khudbaddaas 25 daqiiqo kadib markii uu jeediyey, waxaana ciwaan oga dhigay, Sharif Axmed oo weeraray Masaajidda Daroogaa lagu gadaana yiri.
Dhammaan saxaafada afka soomaliga ku hadasha iyo Associated Press waxay ka qaateen SomaliTalk, waxaana ka hadlay Culumada Soomaliya ugu waa weyn sida Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo duray kuwii difaacay, waxaase ayaan dara ahayd in rag qabyaalad ka buuxdo ayaga oo cagaha jiidaya ay u yimaadeen Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar kadibna uu difaacay Sharifka hadalkiisa, subixiina waan soo daabacnay anaga oo Ciwaan oga dhignay Imaamka Masaajidka Abuubakar Sheikh C/raxmaan oo u qiil dayey Sharif Axmed, ragga baxarka galiyey Sheikh C/raxmaan waan aqaan, waxaase guul aad u weyn noqotay in Sharif Ohio markii uu tagay uu xaal marin ka bixiyey ayadana aan daabacnay anaga oo ciwaan oga dhignay in uu ka cudur daartay dhiiqadii uu ku sii daayey Masaajiddada allah arintaasna ay waji gabax ku noqotay Shiikhii iyo raggii aan afka ka wada hadalnay.
Marka waa taariikh iska cad qabyaalad.com Nin ayaa laga sheegay Tani waa is og tahay, waa arin ugub ah haddii qabyaaladii loo raray Muqdishu si shacabka Soomaliyeed ee qurbaha jooga madaxa la iskugu galiyo ama dad bay laayeen loo yiraahdo, marka waa khayr waa arin meel loo raaco leh raggeedana la yaqaano, mase hor dhacayo intaas ayaan oga gaabsan jawaabta SomalITalk.
(4) Waxaan kaga jawaabayaa Websiteka ay ku sheegeen Abaaqarow
JAWAAB: Website kaas waligay waxba kuma qorin mana lihi qofkasta oo aqoon ii lehna wuu garan karaa in aanan lahayn ama aanan isku manhaj ahayn inta aan ogahay waa website u shaqeeya dabalifyada Meles Zanewi, waxaana igu maqaala in ay Turjumaan u ahaan jireen Itoobiyaankii Shacabka Soomaliyeed xasuuqay, marka qofkii aniga raba Maqaaladayda iyo itijaahayga in uu ogaado Enternetka ayuu ka heli karaa asagaa lagu kala baxayaa, wuxuuna ogaanayaa qofkii aan i aqoon nacaybka aan necbahay Meles Zanewi, Amisom iyo inta daba nashlaysa,
waxaa ayaan daraa, Nin is leh qabiil wax ku kici in uu iga dhigo Nin aan Gaalkacyo soo dhaafi karin oo aan ka caroon karin kana xumaan karin shacabka lagu xasuuqayo Bakaaraha, haddii aad idinku walaalihiin arki weydeen oo walaal Bhuko ka dhigateen shacabka soomaliyeed kala dhex baxa geel jirayaal yahow qabyaalada iyo isku dirka, Gaalkacyo iyo Muqdishu waa laba mataanaa oo ii gudboon, Shariif iyo Faroolana waa isku kay mid Nin kii aqoon ii leh ayaa taas markhaati ka ah waxaa damiir xuma idin ku ah haddii luuqadda aad isticmaalaysaan la isticmaalo in wiil Gaalkacyo ka yimid in uu hooyooyinkiin iyo aabbayaashiin yaan la xasuuqin uu u baroorto halka idinka oo iska dhigaya in aad habayn iga xigtaan aad Bhuko hoos joogtaan oo doofaarka la cunaysaan.
Nacaluhu kuwuu fuulay baad dabanashlaysaane
Naar quutayaal iyo Kufaarbaad Nabiya Moodeene
Nasab Haddii aad tihiin Bhu kaad naga dhicin lahaydeene.
Erayo ka mida Gabaygii Sayid Maxamed
(5) Wiilasha Qurbaha ka tagay Ama Maraykanka waxaan oga jawaabayaa
JAWAAB: Soomalida Waqooyiga America joogta iyo dowladda Maraykanku waa og tahay in Sharif Axmed uu jihaad ugu yeeray wiilashii Galbeedka, ka tagay waana duuban yihiin cajaladihii laga duubay shariifka xiligaas, haddii loo soo noqdo Gobalka Minnesota anigu waxaan ka mid ahaa Suxufiyiintii waraysanayey oo difaacayey culumadii loo haystay Wiilasha Sharif u yeertay, waxaana kaloo waraystay waaridiintii iyo Masuuliyiintii caruurta iyo Madax kale oo Gobalka Minesota ka mid ah, cadaan, carab, iyo hindi intaba leh, gaar ahaan waxaan waraysiyo la yeeshay waaridiinta ilmuhu ka maqan yihiin, marka warka Shabelle been weeye.
Wiilasha Geelii Gaalkacyo iyo Gobalada dhexe daaqi jiray ka soo tagay haddii loogu sheekeeyey waxaad qortaan Americanka ayaa arkaya oo Dalboon iyo raggiisa waa la xirayaa America waxba looma yeeriyo haddii wax loo yeerin karana Hay’adaha Amniga qaabilsan Maraykanka, waaridiinta ilmuhu ka maqan yihiin ayaa liisas dhaadheer qaybin lahaa oo Sharif Axmed Maxkamad la fuuli lahaa goor ay dhacdana waa iska imaan doontaa in la weydiiyo 10,000 ee wiil ee soomaliyeed ee Daynuunay iyo iidaale uu ugu khudbadeeyey Shacab ma jabo ee Dowlad ayaa jabta, uu ku yiri Hadana uu Gaalada u jaajuusayo, Shareeca Islaam iyo Mid Gaalo Shariif waa ku gafay.
(1) Waxaan ku soo Gaabinayaa waaridiintii ilmaha dhalay waa joogaan, waana waraystay,(2) waxay dheheen C/laahi yusuf ayuu taageersanaa, Caruurna waa diray waxaad arkaysaa in aysan isku meel galin waayo xiligii wiilashu tageen C/laahi ayaa Villa Soomaliya joogay, marka wiilal xukunka ka tuuraya ayuu u diray iyo wuu taageersan yahay meesha ma wada galaan? waa maya waa been qayaxan, xiligii C/laahi yusuf waxaan aamisanaa ninkii raba enternetka ayuu ka heli karaa taariikhdu isma qariso, Maraykanka iyo Hay’adaha sirdoonkuna waa og yihiin in Shariif Axmed u yeeray Muslimiinta Caalamka waxaana laga hayaa cadayn asaga oo Garoonka ku soo dhaweynaya Hamdaani iyo rag kale. Marka ma C/laahi ayaan la shaqaynayey mase shariifka? haddii aad dhahdaan c/laahi ayaad la shaqaynaysay waxaa meesha ka baxaysa wiilal isku qarxiya ayuu Abdiwali Dalboon u diray C/laahi, Haddii aad dhahdaan Sharif ayuu la shaqaynayeyna hadde aniga iyo Sharif wada shaqayn nama dhexmarin ee Maraykanka asagaa la shaqeeya in la weydiiyana mudan.
(6) Waxaan kaga Jawaabayaa Dhaqaaluu u Aruuriyaa
JAWAAB: Waxaan soo xasuustay Sheikh Fuad Shangule xafidahullaah oo la yiri account (Akoonkaagii) waa la xiray xayiraad ayaa lagu soo rogay wuxuu yiri maalinta account (Akoonkayga) la xirayo Canjeelo saliid caday leh ayaan cunayey ee xirta oo waligeen ha furinina akoonkayga ayaan iri,!!! hadda dhaqaalo ayuu u aruuriyaa Abdiwali dalboon horta in aan lacag haysto oo shaqeeyo soo kama horayso?, America waxba looma qoro waxba looma yeeriyo fartana sidii amaxaaradii shacabka maraykanka looguma fiiqo cidii lacag dirta iyo cidii dhaqaalo haysatana ayagaa idinka og, jawaabtuna waa been cad oo aan sal iyo raad lahayn uma aruurin dhaqaalo, Afkayga laakiin waxaan ku difaacayaa Diinta Allah ee aad idinku ka cararaysaan oo Bhuko qurunkiisa iyo khamradiisa aad jokoraagaas aad hoosta ka gasheen Muqdishu iyo Gaalkacyana waa isku mid ee badowyahow soo baraarugay dadkan walaaloobay ee diinta sheeraca islaamka qaatay dib ha u celin ee ka soo carara Bhuko iyo qurinkiisa .
Bhukoo Doolala ku yimid oo shacabka Bakaaraha Xasuuqaaya
Bhukoo iga qaba wiilal wada doora
Inaad Laaxin ii soo dirtaa waa dayuusnimee.
(7) Waxaan oga jawaabayaa kulan na dhex maray aniga iyo wiil ka mida wiilashii tagay.
Waxay sheegeen in aan la kulmay wiil ka mida wiilasha Sharif Axmed jihaadka ugu yeeray, waxayna sheegeen in aan ku kulanay maqaayada MC Donald, Waxaan idin kaga jawaabayaa horta waxaad cadayseen in aad qolyo qabyaalad dishay oo Sharif jacayl kiisu indha tiray oo America jooga gaar ahaan Minnesota in aad xiriir leedihiin waxaana taas cadaynaysa Maqaayaddan yaa idin baray MC Donald ka iyo Maqaayadaha ku yaala America ilaa Geeligii ayaad Gobalada dhexe oga soo tagteene, waxaa iska caddahay rag qabiil ahaan is leh C/wali Dalboon god ku rida in ay wax idiin sheegeen, birina malaha qaybaha aad soo wadaan jidadka iyo saraha iyo Masaajidda ayaad ku soo daraysaan iyo rag hor leh,
JAWAAB: Waxaan idinkaga jawaabayaa in aanan hal cunug ka aqoon wiilashii tagay, aniga oo hadana ka qoray qoraalo badan waraysiyo badan aan ka qaaday waaridiintooda iyo Culumadii iyo Ducaaddii loo haystay, Horta in aan aqoono dambi ma ahan marka sharciga Maraykanka laga hadlayo laakiin anigaan aqoon u lahayn, ma jiraan kulan na dhex maray dayartii qurbaha Sharif Axmed oga gacan haatiyey hadana uu meel kasta ku nacladayo asaga oo sharaf ku raadinaya,
Marka ragga siyaasiyiinta ah ee is qarinaya waxaan oran lahaa wiilasha Geel Jirayaasha ah waxba naga qaadimaayaane banaanka is keena, oo iskudaya in aad wax qortaan ilaa waxaad u eg tihiin Rag Qurbaha looga adkaaday Muqdishana waa nala ku laynayaa ayaad leedihiin qabiilkii la guubaabin jiray ogaada in uu shareecada islaamka qaatay oo wiilka ceel dheer jooga iyo kan Baydhaba jooga iyo kan Kismaayo jooga iyo Marka in aan ka jeclahay kan Asha-haada la dirirkaa ee Puntland ta aad igu shaabadaynaysaan jooga nin kii aqoon ii leh ayaa hadalkayga fahmi kara.
Anigaa Diiday Bhuko iyo Meles Zanewi Dabagalkoodiiye
Dalka Ma lihid Anigaa ku iri dooraweynahe
Diintayda anigaan ku gadan daba naareede
Anigaa diiday Maantuu lahaa Duunyo iga hooya.
Sayid Maxamed Run badanaa Soomaliya Sayidkii ayaa diiday in uu iibiyo, marka Bhuko doonyaha waa asaga Badda Soomaliyeed u soo gataye ma hooyadiisaa leh, ilaa Uganda Bad ma lahan, Tolaahay qof labaabay baan ahay Nin Dalkiisii la dhacay oo wiil Geel Jiraana uu difaacayo Bhuko Calool xuma weynaa.
(8) Waxaan oga jawaabayaa Xariga Sheikh Ismaaciil Khaliif Mire
JAWAAB:- Sheikh Ismaaciil ayuu dabin u dhigay oo khudbadiisa ayuu daabacay oo si sir ah looga soo duubay ayey yiraahdeen, horta Sheikh Ismaaciil si sir ah cid wax oga duubtay ma lahan wiil is qariyana ma ahan oo gaalada hoosta ka gala sidiina oo kale, Sheikh Ismaaciil fiicnaan lahaydaa in iidan soo qaadin moogayaal wax ma oga miyaa Sheikh Ismaaciil in uu u xiran yahay shacabka Muqdishu yaan la xasuuqin, Bhuko wadankeena hanooga baxo ma oga miyaa?, waa kaas wiilashii Reer Gaalkacyood hooyooyinkaa iyo ilma adeeradaa ay difaacayaan laakiin hadde diin iyo iimaan iyo qadiyad ayaa lagu kala tagay, adiga oo Bhuko hoos kaga jira ayaa wiil ku dhashay Gaalkacyo ama adduunka dabadiisa oo Soomaliya xabad idin kaga saarayaan, dhulka muslimiinta, ilaa idinku hadda Bhuko ayaa tol iyo qaraabo iyo diin wadaagtaane damiirxumay kuu tahay macluumaad badan ayaad u baahan tahay ee ku laabo qoladii idin soo dirtay Geel jirayaal ayaad tihiine.
(9) Waxaan oga jawaabayaa Magaca ay is ticmaaleen oo ah mid aan jirin
Waxay yiraahdeen waxaa magaciisa la yiraahdaan C/wali dalboon waxaana loo yaqaanaa Ina Xaaraan Daaq
Subxaanalaah horaan oga hadlay meesha in Geel soo galay oo Masuuliyiintii Shabelle ay Geel Jirayaal dhaxleen
JAWAAB: Waxaa Magacayga la yiraahdaan Abdiwali Bashir Warsame waxaana la ii yaqaanaa Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon waxaana ka mid ahay ilaahay dadka uu ka bad baadiyey in ay ku joogaan Maraykanka Magac aysan lahayn iyo qabiil aysan u dhalan ilaahbaa mahad iska leh waligay xataa jifada aan ka dhashay xaraan daaq lama bixin taas waa been, iska cad Ninkii si khaldan la ii barow Barasha wanaagsan,
Madaboolin Magacaygoo Diirka ka cadeeyey,
Damiirlaawe Geel jiraabaa is qariyoo Gabayga deelqaafsha,
Fuleynimo Daraadeed Maxaa Boorka kugu duugay, Car abtirso sidayda oo kale.
Abwaan Maxamed C/qaadir wuxuu yiri
Damiin iyo Daciif baa tihiyo, daalin iyo tuuge.
Doofaar Dameer baad tihiyo, Dowdar nacaseede.
Daafaane diiflaa baad tihiyo, luudi daba dheere.
Anigu Darwiish baan ihiyo udubka Islaame
Doon doon yaxyiyo, Moorif baad, diin ka dhigataane
Shirki baa ilaah daba waddaa, daa’ in abidkaaye.
Shareecadu midkii ay dili lahayd Doorkan baad tahaye.
Ibliis kuma dukhaaleen haddaad diinta dhugataaye.
Faaladii Idaacadda Shabelle si aad u akhri Halkaan Riix Ama Guji.
Jawaab ka timdi Abdiwali Bashir Warsame (Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon)
Waqooyiga America Minneapolis, Minnesota
SOMALIMIDNIMO.COM
Weerar kale oo ka yimid Somalimemo.net gaar ahaan wadaadka la eedeeyay:-
Guji halkan
http://somalimidnimo.com/2010/09/27/ma-cwaaxid-baa-raiisul-wasaare-u-sharraxan-mise-idaacadda-shabeellaa-shisheeye-gatay/.
Allow sahal amuuraha
Dagaalkii Warbaahinta oo bilowday.
www.Bartamaha.Com waxa ay Bulshada Soomaaliyeed u soo gudbinaysaa xaalada halka ay marayso iyo Xaqiiqda taagan.
wa qormo xiiso badan runti aad bu umahadsan tihin bartamaha iyo weliba dalboon iyo khaliif wa maqaalo cajaaib ah shabelle.net geeljire la wereegay runti waayo maqaalka ay qorayaan malahna qualiti maqaal ..