Xoogaga Xarakada Al-Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Ceel-Baraf Ee Gobolka Sh/Dhexe.

Posted on Jun 25 2009 - 10:35am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo aad u fara badan oo ka mida Xoogaga Xarakada Al-shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay waxa ay si rasmi ah ula wareegay Deegaanka Ceel-Baraf oo hostagta Degmada Mahadaay Ee Gobolka Sh.Dhexe halkaasi oo dhawaanahan ay ku sugnaayeen Ciidamada Maxkamadaha Dowlada raacsan.

Dadka Deegaanka ayaa www.Bartamaha.Com u sheegay in ay arkeen saaka aroortii hore Ciidamada astaamaha lagu yaqaana leh Kooxda Alshabaab kuwaasi oo dhammaan Deegaankaasi isku fidiyay kuwaasi oo duleedka magaalada Ciidamo ku daadiyay.

Xoogaga alshabaab ayaa la sheegayaa in ay bilaabeen howl-galo baaritaana ah oo ay ka samaynayaan  dhismayal ay uga shakiyeen in ay ku suganyihiin xubno ka mida Ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan oo Fiidkii hore ee xalay deegaankaasi gacanta ku hayay.

Lama oga illaa haatan halka ay qabteen masuuliyiintii Maamulkii Maxkamadaha ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Deegaankaasi Ceel-Baraf iyo tuulooyiunka ka agdhow iyadoo ay Alshabaab dagaal la’aan ku qabsadeen Deegaankaasi.

Dhawaan ayay ahayd xiligii ay weerarada isdaba jooga ah soo qaadayeen Ciidamada Maamulkii hore Ee Maxkamadaha wallow ilaa haatan aanay jirin deegaan ay awood ku qabsadeen oo ka mida Gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia