Xoghaya XSKK oo ka qayb galaya shirwaynaha xiriirka kubadda koleyga aduunka (Daawo Sawirada).

Posted on Sep 15 2010 - 8:07am by News Desk
Tweet
Pin It

Congress 2Bartamaha (Istanbul):- Shirweynaha Xiriirka Kubadda Koleyga Aduunka ee FIBA ayaa waxa u si habsami ah uga biloowday magaalada Istanbul oo ku taal dalka Turkiga, shirkaan oo furmay 4 September socona doona ilaa 10 September 2010 ayaa waxaa sanadkan uga qayb galaya dalka Soomaaliya Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga (XSKK) Mudane Baana Cali.

Shirkaan waxaa isugu yimid wufuud ka kale socota shanta Qaaradood  Caalamka ee ka kooban yahay FIBA sida:

FIBA AFRICA, FIBA ASIA.FIBA AMERICA,FIBA EUROPA & FIBA OCEANA, islamarkaana waxay ku doorteen gudoomiyaha cusub ee FIBA  President  .YvanMainini inuu noqdo laga bilaabo 2010 ilaa 2014.

Shirka kadib waxaa ergooyinka ka kale yimid caalamka lagu martiqaadey inay daawadaan koobka FIBA WORLD CHAMPION 2010 oo ka socda dalka Turkey sanadkaan.Mudane Baana Cali  ayaa la oran karaa shaqsi ku kali noqdey inuu u  dhaqdhaqaaqo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga, wixii ka dambeeyay geeridii macalinkii hore ee Kubadda Koleyga dalka Soomaaliya marxuum Omar Ayeelo Allaha u naxariistee.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga dalka Soomaaliya ayaa ah xiriirka kaliya ee  xilal magac u yaal badan leh balse aan waxbo aysan jirin waxayu qabtaan dhalinyarada Soomaaliyeed marka laga reebo Eng.Baana Cali. waxaan hubaa hadii dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan North America inay wax badan loo qabto inay magac iyo sharaf ugu soo jiidi karaan ciyaarta kubadda koleyga Soomaaliya tartamada caalamiga ah

ENG.Baana Cali ayaa isheegay inay sanadkaan FIBA ka heleen qalab deeq isboorti oo farabadan, kuwaasoo uu doonaya inuu gaarsiiyo gobalada dalka Soomaaliya oo dhan.

Sawiro:-

DSC04049

Congress 2

Yusuf Yusuf

[email protected]

London