Bartamaha(Muqdisho):-Xizbul Islaam ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay mudada loo kordhiyay Ciidamada Amisom sii joogitaankooda dalka soomaaliya.
Madaxa Warfaafinta ururka Xizbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin  Cali ayaa shaaca ka qaaday in ay ka xunyihiin mudada loo kordhiyay Ciidamada Amisom islamarkaana ay u diyaar garoobayaan la dagaalanka Ciidamadaasi sidii dalka looga saari lahaa.
Madaxa Warfaafinta Xizbul Islaam ayaa intaasi ku daray in loo baahanyahay in shacabka soomaaliyeed laga dulqaado dagaalada iyo weerarada ay soo qaadayaan Kooxaha Islaamiyiinta isagoo ka dalbaday shacabka soomalaiyeed in ay la dagaalamaan Ciidankaasi.
Sargaalkaasi Xizbul Islaam u hadlay ayaa intaasi raaciyay in in dagaalada Magaalada ka dhacaya ay yi9hiin kuwa looga soo horjeedo go’aanada Midowga Afrika iyo waxa ay doonayaan oo ah dagaal ay ka huriyaan gudaha Magaalada Muqdisho.
Xizbul Islaam ayaa dhinaca kale digniin u jeedisay Dowlada Jabuuti oo ay ka dalbatay in ay ka laabato fikirka ay ku doonayso in ay Ciidamo u keento gudaha Dalka Soomaaliya isagoo masuulkaasi u hadlay Xizbul Islaam uu sheegay in dhibaato ay ka soo gaari doonto Ciidankaasi haddii ay Muqdisho yimaadaan.
Hadalka Maanta ka soo baxay ururka Xizbul Islaam ayaa imaanaya xilli uu dhumay awoodii ay ku lahayeen guud ahaan Koonfurta Soomaaliya iyadoo madaxda sare ee Xizbigaasi ay khilaaf ku kala maqanyihiin kaasi oo illaa hatan xal lo la’yahay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.