Xizbul Islaam oo shuruudo ku xertay Xarakada Alshabaab ka dib kulan looga hadlayay dagaalada oo ka dhacay Muqdisho.

Posted on Oct 5 2009 - 4:45pm by News Desk
Tweet
Pin It

xizbul IslaamBartamaha (Muqdisho) Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in shuruudo ay ku xertay Xarakada Alshabaab si looga hortago dagaalo kale oo ku faafa dalka .

Madaxa Xafiiska Warfaafinta Xizbul Islaam oo galabta Saxaafada kual hadkayay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay kulan la yeesheen Alshabaab shuruudana ay hordhigeen.

Shurrudaha kulankaasi Xizbul Islaam  ay hordhigtay Alshabaab ayaa waxaa ka mid ahaa:-.

1-in Alshabaab ay raali galin ka bixiso dagaaladii Kismaayo masuuliyadana dusha saarato.

2-. in Maamulka Kismaayo laga dhigo wadaag sidii xilli hore hishiisku ahaa.

3- in Xarakada Alshabaab ay joojiso weerarada illaa xiligan ay ku hayso Saraakiisha Xizbul Islaam

4- waa in Alshabaab ay joojiyaan hadalda ay ku gaalaysiinayaan Saraakiisha Xizbul Islaam.

5-waa in ay fara galinta ka dayaan deegaanka Tayeeglow ee Gobolka Bakool .

Madaxa Warfaafinta Xizbul Islaam ayaa sheegay in ay Ciidamdooda difaac ku jiraan dhammana dalka islamarkaana walaalahooda Alshabaab ay ka filan karaan weji walba maadaama xiligan ay dhibaato ka abuurayaan Jubada Hoose.

Xarakada Alshabaab  ayaa dadka Caasimada ay isweydiinayaan ma garwaaqsan doontaa mana u hogaansami doontaa dhammaan shuruudahan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.