Xizbul Islaam oo ku dhifatay Seeriga dagaal ay Hiiraan uga saarayaan Ciidamada Dowlada .

Posted on Nov 4 2009 - 6:45am by News Desk
Tweet
Pin It

xizbul IslaamBartamaha(Hiiraan):-Ururka Xizbul Islaam ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ciidamada Dowlada Gobolka Hiiraan islamarkaana lagu sifaynayo guud ahaan Gobolkaasi oo dhawaanahan dagaalo ay ka socdeen.

Sargaal ka tirsan Xizbul Islaam ayaa ku dhawaaqay in ay qaadayaan dagaal ay Gobolka Hiiraan uga saarayaan Ciidamada Dowlada oo haatan ku sugan duleedka Magaalada Balad-Weyne.

Sheekh Cabdi Maxamed Cismaan oo ka mida Saraakiisha Xizbul Islaam oo saaka la hadlayay Warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in ay bilaabayaan dagaal xoogan oo ay la galayaan Ciidamada dowlada si gobolka looga saaro.

Sheekh Cabdi ayaa ku hanjabay in dhibaato ay la kulmayaan maleeshiyaadka Dowlada kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwa la soo qaldan oo aan wax dan ah u wadin shacabka reer Hiiraan.

Sargaalkaasi Xizbul Islaam ka tirsan aya sheegay in ammaanka Magaalada Baad-Weyne uu wanagsan yahay islamarkaana laga saarayo duleedka Magaalada Koox Nabada diidan oo dagaal ku soo qaaday Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.