Xizbul Islaam oo ku dhawaaqday furitaanka Dakada Ceel-Macaan iyop Garoonka Cisalay(Daawo Sawirada).

Posted on Nov 23 2009 - 5:46pm by News Desk
Tweet
Pin It

 

ci6Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay dib u fureen dakada Ceel Macaan iyo garoonka Cisalay duleedka Muqdisho.

Saraakiisha Xizbul Islaam ayaa ka qeybgashay Munaasabad maanta ay Xizbul Islaam dib ugu fureysay Dakada Macmalka Ceel Macaan iyo garoonka Cisalay.

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Saraakiisha garbihiisa buuxisa ayaa waxa ay joogeen garoonka Cisalay iyo Dakada Ceel-Macaan iyagoo soo kormeeray qaabka dhismayaashaasi ee xiligan.

Sheekh Aweys hogaamiyaha Xizbul Islaam ,Sheekh Muuse Caraale Xoghayaha Gaashaandhiga,Macalin Xaashi Gudoomiyaha Gobolka iyo Madax kale ayaa goobta ka hadlay kuwaasi oo dhaliilay qaabka ay u shaqeeyaan dakada iyo garoonka Muqdisho oo Amisom ay sheegeen in ay maamulaan.

Dakada Ceel-Macaan iyo garoonka Cisalay ayaa shaqeynayay in ka badan muddo 12-Sana ah iyadoo la xeray Sanadii 2006-xiligaasi oo dalka ay qabsadeen Maxkamadihii Islaamiga.

 

 garoonka

xasan iyo asxaabtiisa

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â