Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa guula ka sheegtay dagaaladii shalay gabal dhicii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dadka badan ay ku nafwaayeen dagaaladaasi.
Sheekh Maxamed Aroos Afhayeenka dhanka Howlgalada Ciidamada Xizbul Islaam oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Muqdisho ay dhankooda Masuul ka ahaayeen qasaarana ay u geysteen Ciidamada Amisom.
Sheekh Aroos ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid dhankooda ay ku qaadeen fariisinada Amisom Muqdisho qasaara xoogana ay gaarsiiyeen Ciidamadaasi iyo kuwa Dowlada oo dagaalka ka qeybnoqdaty.
Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalka ay ku jabiyeen Ciidamada Amisom islamarkaana qasaara iyo dhabar jab ay ugu geysteen weerarkii ay ku qaadeen saldhigyada Ciidamadaasi Ee Degmada Hodon.
Dagaalkii shalay galinkii danbe dhacay illaa Xalayna ka socday Magaalada ayaa sabab u noqday dhimashada 10-ruux iyo dhaawaca in ka badan 20-kale oo dhammaan ah dad shacab ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.