Xizbul Islaam oo gacma furan ku soo dhaweysay wada hadalo uu hogaan ka yahay Madaxweyne Qafaadi.

Posted on Oct 29 2009 - 4:47pm by News Desk
Tweet
Pin It

barta.labadaBartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa maanta gacmo furan ku soo dhaweeyay wada hadalo uu ka dhexbilaamo Dowlada iyo Xizbul Islaam hogaamiye Col.Mocamar Al-Qadaafi.

Sheekh Maxamed Macalin Cali Madaxa Warfaafinta Xizbul Islaam oo galabta Saxaafada Muqdisho kula hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Dowlada hadii Hogamiye Islaami ah uu Hogan ka yahay.

Madaxa Warfaafinta ayaa sheegay in Xizbul Islaam ay diyaar u tahay wada hadal ay la yeelato dhanka Dowlada haddii ay wadaan qorshahaasi dalalka Soomaaliya la saaxiibka ah sida Liibiya.

Sheekh Maxamed Macali Cali Xoghayaha Warfaafinta Xizbul Islaam ayaa carabka ku dhiftay in ay gacmo furan ku soo dhaweynayaan qorshaha uu wado Madaxweynaha Liibiya Col.Qadaafi.

Xizbul Islaam ayaa shardiga kaliya oo shirka ay ku xertay ayaa ahaa in aanay raali ka ahayn Dowlada IGAD oo ay dusha ka saareen qaska Soomaaliya ka socday 19-Sano.

Soo dhaqeynta qabanqaabada Madaxweyne Qadaafi ayaa imaanaysa xilli saacad ka dib hdalkii Qadaafi ay shuruudo hordhigeen Kooxda Alshabaab oo aan ka shirin oo shardi ay horta ka dhigeen shir uu sameeyeo Qadaafiga Liibiya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.