Bartamaha(Balad-Weyne):-Maamulka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa digniin culus u jeediyay dadka xiriir wanaaga la leh Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada.
Sheekh Shuuriye Faarax Sabriye Gudoomiyaha Xizbul Islaam Hiiraan oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ka warqabaan dad xiriir soke la leh Ciidamada Ethiopia islamarkaana ay tallaaba ka qaadayaan.
Sheekh Shuuriye ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan haatan uu gacanta ugu jiro Mujaahidiinta balse ay jiraan dad soio horkacaya Ciidamada uu ugu yeeray Cadowga.
Gudoomiyaha Xizbul Islaam Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in Xizbul Islaam aanay marnaba doonaynin in ammaanka dartiis looga cararo Hiiraan isagoo ka dalbaday in dadka isaga cararay Magaalada ay dib u soo laabtaan.
Gudoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan dad xiriir la leh Ciidamada Dowlada iyo Itoobiya balse kuwaasi ay tallaaba ka qaadanayaan sidii loola xisaabtami lahaa.
Ugu danbayntii Gudoomiyaha ayaa waxa uu fariin digniin ah u diray Dowlada Ethiopia oo haatan mashaariic ka samaysanaysa gudaha Gobolka Hiiraan taasina aanay marnaba u dulqaadan doonin.
Hadalka Hanjabaada u badan ee ka soo baxay Maamulka Hiiraan ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhammaan dadkii xilli xiriirka la yeeshay maamuladii gobolka soo maray ay baqdin darteen gobolka isaga bexeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.