Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Xizbul Islaam ayaa Xalay afur u samaysay dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan duleedka Magaalada Muqdisho.
Barakacayaasha ku dhaqan duleedka Magaalada Muqdisho ayaa xalay loo sameeyay afur ay bixiyeen Xizbul Islaam iyo dad Mutadawiciin wax baxsaday kuwaasi oo barakacayaasha garab istaagay.
U qeybsamaha Xizbul Islaam ee afurinta Barakacayaasha ayaa saxaafada u sheegay in shacabka soomaaliyeed ay ka sugayaan garab iyo gacan ku aadan sidii ay Barakacayaasha u afurin lahaayeen.
Sheekh Maxamuud Xuseen Konfurow oo ka mida masuuliyiinta Xizbul Islaam ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatada ugu baaqay in ay dhaqaale ku bixiyaan afurinta Barakacayaasha ku dhaqan duleedka Muqdisho.
Sargaalkaasi ayaa saxaafada u soo bandhigay Account Nomber lagu soo dhigayo dhaqaale Dahashiil 0006566 ama tel 0615337686 ama 0615778720 .
Isku soo duub afurinta ayaa waxa ay qeyb ka tahay qorshe guud oo kooxda Xizbul Islaam ay ku garan qabanayso dhibanayaasha Barakacayaasha Soomaaliyeed.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika