Xizbul Islaam Hiiraan oo shacabka Baladweyne garan weydiisatay.

Posted on Feb 6 2010 - 2:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

xizbul IslaamBartamaha(Balad-Weyne):-Maamulka Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa dadka ku dhaqan Hiioraan ka codsaday in ay ammaanka guud kala shaqeeyaan.

Ciidamada Xizbul Islaam ayaa dhawaanahan ku dhibanaa ammaaka baladweyne sidii ay wax uga badali lahaayeen iyadoo dhowr jeer lagala wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Shuuriyew Faarax sabriye ayaa dalbaday in ammaanka magaalada baladweyne wax lagala badalo maadaama dhibaato xoogan ay ka taagantahay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ammaanka Baladweyne uu ku xeranyahay dadka oo la shaqeeya maamulka islamarkaana gacan ka siiya sidii wax looga badali lahaa amniga guud ee Hiiraan.

Masuulkaasi ayaa sheegay in aanay marnaba doonayn dhibaataynta shacabka reer Hiiraan balse ay doonayaan in laga gacan siiyo wax ka badalida ammanka Gobolkaasi Hiiraan.

Dalabka maamulka Hiiraan ayaa imaanayta xilli ammaanka Baladweyne uu yahay mid dhawaanahan ka sii darayay oo dad badan ay ka cabanayan dhibaato Koox hubaysan ay geysanayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.