Xizbul Islaam “Duulaan ayaan ku nahay Degmada Doolow dhawaana waan….”

Posted on Jul 20 2010 - 1:47pm by News Desk
Tweet
Pin It

hub_ururinBartamaha (Gedo):-Maamulka Kooxda Xizbul Islaam Gobolka Gedo ayaa wacad ku maray in ay weerarayaan Degmada Doolow oo ay joogaan saraakiil ka kala tirsan Dowlada,Ahlu sunnah iyo Ethiopia.

Sheekh Farxaan Cabdi Ciil-Mooge Gudoomiyaha Xizbul Islaam Gobolka Gedo ayaa daaha ka qaaday in dhawaan ay duulaan ku yihiin Degmada Doolow oo dhacda Xadka ay wadaagaan Gedo iyo Ethiopia.

Ciil-mooge ayaa sheegay in ay qabsan doonaan saacadaha soo aadan Degmada Doolow ee Gobolka Gedo halkaasi oo uu sheegay in laga abaabulayo dagaal lagu qabsado gobolka Gego balse ay ka hortagayaan Xoogaga Xizbiga.

“”Duulaan ayaan ku nahay Degmada Doolow dhawaana waan ka saaraynaa kooxaha shisheeyaha dabada ku wata ee doonaya in ay qabsadaan Gobolka ,waan ognahay in ay joogana saraakiil Ethiopian ah  iyo kuwa aan doonayn nabada gobolka….”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Farxaan Ciil-mooge.

Hadalka ka soo yeeray Kooxda Xizbul Islaam ayaa imaanaya xilli Gobolkaasi Gedo ay kooxdaasi ka haysato Degmada Luuq oo kaliya islamarkaana dhammaan deegaanada kale ay ka baxday gacanta Xizbul Islaam oo ay maamuladii ka dhisnaa la wareegeen Alshabaab.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.