Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Xizbul Islaam ayaa guul balaaran ka sheegatay dagaaladii maalmihii ugu danbeeyay ka socanayay gudaha Magaalada caasimada ah Ee Muqdisho.
Maxamed Cismaan Caruus Afhayeenka Howlgalada dagaalada Ee Kooxda Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in dagaaladii dhawaanahan ka dhacayay Degmada Hodon ay ahaayeen kuwa lagu laynayay Ciidanka Amisom.
Afhayeenka Xizbul Islaam waxa uu cadeeyay in dagaalkii dhacayay uu ahaa mid guul balaaran ku dhamaaday waxaana Xoogaga Xizbiga ay guul balaaran ka dareemeen xiligii dagaalka uu socanayay.
“Dagaalka guul ayaan ka gaarnay waxaana ku laynay Maleeshiyada Cadowga alle ah ee Amisom iyo Dowlada….. Maydkooda ayaan meel walba uga talaabsanaynay markii aan dagaalka ku jirnay…….” ayuu yiri Afhayeenka Maleeshiyada dagaalamaysay Ee Xizbul Islaam.
Afhayeenka waxa uu sheegay in dagaalkii shalay dhacayay uu ahaa mid ay soo qaaday Dowlada isagoo cadeeyay in ay ka bexeen aagag badan oo Dowlada ay ka qabsatay balse ay dib uga saareen.
Masuulkan Xizbiga u hadlayay waxa uu qiray in hadda laga qabsaday dhul badan oo ka mida Degmada Hodon wallow uu shaaca ka qaaday in ay dagaalka sii wadayaan si ay dib ugu soo ceshadaan goobihii laga qabsaday.
Hadalka is difaacida u muuqanayay ee ka soo yeeray Xizbul Islaam ayaa ku soo aadaya xilli shalay Dowlada KMG ah ay shaaca ka qaaday in ay qabsatay dhul muhiim ah oo Mucaaradka ka haysteen Degmada Hodon Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.