Xildhibaano Maanta ku shiray Muqdisho oo ku baaqay in shir gudoon cusub la doorto.

Posted on Apr 5 2010 - 3:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC00960Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaano gaarayay 70-Mudane oo maanta Muqdisho ku shiray ayaa waxa ay sheegeen in loo baahanyahay samaynta shir gudoon cusub oo Baarlamanka lo sameeyo.

Xildhibaan Cumur Islow oo ka mid ahaa Mudanayaasha maanta Muqdisho ku kulmay ayaa waxa uu sheegay in maalinimada berita ah loo baahanyahay in la doorto shir gudoon cusub.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in dhawaanahan ay doonayeen shirka guud ee Baralamanka taasina uu diidanaa Gudoomiyaha Baarlamanka in kulankaasi la yeesho si uu jagado u difaacdo.

Xildhibaanadan ayaa maanta wax a ay sheegeen in ay u diyaarsanyihiin ka qeybgalka kulanka berito ka furmaya Muqdisho balse ay doonayaan in shirkaasi lagu magacaabo ninka ugu da’da weyn laga dhigo sii hayaha shir gudoonka ka dibna la doorto gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

Maalinimada Berita ah ayaa waxaa la filayaa in uu furmo shirka guud ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo laga baqanaayo in buuq uu hareeyo maadaama mudayaal badan oo ka caraysay xilka uu sii hayo Gudoomiyaha Baarlamanka ay weli joogaan Muqdisho.Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.