Xildhibaanada Muqdisho oo maanta isku khilaafay kulan ay kaga hadlayeen Joogitaanka Ciidamada Amisom.

Posted on Oct 5 2009 - 4:38pm by News Desk
Tweet
Pin It

barlamaanBartamaha (Muqdisho) Xildhibaanada Baarlamanka ee ka soo jeeda Magaalada Muqdisho ayaa maanta isku fahmi waayay kulan ay kaga hadlayeen Joogitaanka Ciidamada Amisom.

Mudanayaasha oo ku kulmay Hotelka Saxafi ayaa la xaqiijiyay in ay gogosha ku kala tageen ka dib markii qaar ka m ida Mudanayaasha ay diideen in lagu baaqo Amisom laga saaro Muqdisho.

Xildhibaanada qaar ee soo agaasimay kulanka Maanta aya la xaqiijiyay in ay doonayeen in laga saaro Amisom Magaalada Muqdisho maadaama ay duqeyn oo kaliya ku koobtay nabad ilaalinteeda.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Saxaafada loo diiday Kulanka si aanay ugvu dhawaan Hoolka oo la xaqiijiyay in sawaxan iyo buuq uu hareeyay.

Kulanka ayaa la sheegay in ay maanta joogeen xildhibaano ka baxsan Beesha Hawiye taasi oo keentay in uu fashil ku dhamaado ka dib markii gogosha laga waayay xildhibaanada ugu caansan beesha Hawiye.

Lama oga haddii Xildhibaanadaasi ay ku dhawaaqaan in Amisom laga saaro Muqdisho cidda ammaankooda sugi doonta maadaama xiligan ay ku koobanyihiin goobaha Amisom ay joogto.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.