Bartamaha (Muqdisho):- Xildhibaanada Dowlada KMG ah oo mudooyinkan Mishaar la’aan ay haysay ayaa bilaabay in si kala gooni ah ay xiriira ula sameeyaan Madaxda Hay’ada UNDP si ay mishaarkooda u raadsadaan.
Markii Xildhibaanada Baarlamanka ay waayeen Mishaaraadkooda ayaa waxaa soo baxaya dhaleeceen ay qaarkood u jeedinayaan Hay’ada UNDP oo mushaaraadka Xildhibaanada looga bartay in ay bixiso markii muddo uu is gaaro biilasha.
Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo mudanayaasha Baarlamanka ka mida ayaa kashifay dhibaatada haysata Xildhibaanada iyo Mushaar la’aanta soo wajahday Xildhibaanada taasi oo dhalisay in ay kala dhuuntaan.
Boqore ayaa dhaleeceyn dusha uga tuuray UNDP oo uu ku sheegay hay’ad qaab aan sharci ahayn ku bixinaysa Mishaaraad ay muddo ka haysatay Mudanayaasha Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya.
Boqore ayaa cadeeyay in aanay Mushaar qaaday muddo saddex bil ka badan islamarkaana ay ka la’yihin mushaarkooda Hay’adaasi oo xayirtay lacagihii loogu talagalay sida uu ku dooday Xildhibaan Boqore.
Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore waxa uu cadeeyay in Hotelada ay daganyihin looga haysto dhaqaalihii ay ku daganaayeen iyo raashinka ay cunayeen xildhibaanada taasina ay muujinayso in biil la’aan ay soo wajahday xildhibaanada.
Masuulkan waxa uu muujiyay in xildhibaanada ay bilaabeen kala dhuumasho iyo in ay qaab hosoe lacago uga shaxaadaan Hay’[ada UNDP oo qaabab kala gooni ah u siinaysa lacagahooda xildhibaanada Dowlada.
Xildhibaanada ayaa waxa ay horay uga dalbadeen Beesha Caalamka in ay dhaqaalahooda siiyaan xildhibaanada islamarkaana aan loo soo marin Hay’adaasi UNDP balse loogu soo hagaajiyo madaxda Dowlada taasi oo aan weli dhicin.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika