Bartamaha(Garoowe):-Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ahayd xildhibaanadii shalay digniinada loo diray looguna baaqay in Muqdisho ay yimaadaan ayaa waxa ay jawaab kulul ka bixisay hadalkii shalay madaxda baarlamanka ka soo yeeray.
Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo haatan ku sugan Magaalada Garoowe Ee Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ay sharci daro ku dhaqmayaan Gudoonka sare Ee Baarlamanka islamar’ahaantaana .
Xildhibaanada ayaa si kulul u weerartay nidaamka ay ku shaqeynayaan gudoonka Baarlamanka oo ay sheegtay in xiligan aanay cadaalad ahayn kuna dhaqaaqayaan wax waliba oo ay ku doonayaan in xilidhibaanada lagu laayo.
Xildhibaanad Caasha ayaa sheegtay in Madxda Dowlada sida Madaxweynaha ,R/Wasaaraha iyo gudoonka Baarlamanka ay yihiin kuwa lagu qaado Taangiga Ciidamada Amisom balse xilidhibaanadu ay yihiin kuwa aan haysan wax ammaan ah cid walibana ay beegsan karto.
“Ma niman taangiyada Amisom magaalada ku dhexmaraya oo guri shub ah dhexgalay ayaa dalka maamulkisa sii haysanaya,xildhibaanada ammaan ma haystaan waana dhibanayaal,madaxweyne Shariif,ina c/rashiid iyo Aadan madoobana taangiyada Amisom ayaa wadooyinka lagu mariyaa xiliga ay dalka ka dhaqaaqayaan.â€ayay tiri Xildhibaanad Casha Axmed Cabdalla.
Xildhibaanada oo hadalkeeda ay la socotay caro xoogan oo ay ka qabtay u yeeritaankii shalay madaxda baarlamanka ay ku fareen in Muqdisho ay soo gaarto ayaa waxa ay weerartay siyaasada Gudoomiyaha Baarlamanka soomaaliya iyo ammaanka goobaha lagu kulmayo.
“Muqdisho ma imaanayo maxaan ka soo doonayaan ma amni ayaa la iigu hayaa…Aadan Madoobe ma ii yeeri karo ma in uu I dilo ayuu doonayaa horey ayuu isaga iyo kuwa la midka ah ee la reerka ah ay isku dayeen in ay I khaarijiyaan…meel hoobiye lagu garaacayo ayaan xildhibaanada geynayaa anigana ammaan ayaan haystaa ha la’daan ayaan u arkaa….â€ayay raacisay xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla.
Hadalkan ka soo yeeray xildhibaanada ayaa waxaa uu imaanayaa xilli qaar ka mida mudanayaasha kale Ee Baarlamanka soomaaliya ay jawaabo kulul ka bixiyeen xubin’nimadii baarlamanka ay ka waayeen ka dib gudoonka baarlamanka oo qodobo u cuskaday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.