Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan ka mid ahaa Golaha Baarlamanka Dowlada KMG ah ayaa barqanimadii maanta Wadnaha Istaagay.
Mudane ka tirsan Baarlamanka KMG ah ayaa barqanimadii maanta Wadnaha ku istaagay gudaha Magaalada Muqdisho xilli uu gaari saarnaa.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Diikoo oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamanka KMG ah ayaa wadnaha ku istaagay gudaha Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa xiliga wadnaha istaagayay waxa uu gaari u sii saarnaa Hotel ay ku sugnaayeen Mudanayaasha saaxiibadiisa ah.
Ex-Xildhibaan Maxamed Ibraahim Diikoo ayaa waxa uu dhawaanahan xanuun aan badnayn ka dareemayay dhanka Wadnaha waxaana maanta uu u dhintay xanuunkaasi.
Mudane Cali Maxamed Cali oo mudanayaash ay saaxiibada ahaayeen ka mid ahaa ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in mudanahaasi uu geeriyooday markii wadnaha uu istaagay.
Ma aha markii ugu horaysay oo xildhibaan ka mida Baarlamanka uu u dhinto geeri deg deg ah iyadoo la xasuusto in laba bil ka hor uu Wadnaha istaagay mudane ka mid ahaa Baarlamanka oo laga helay qolkiisa isagoo mayd ah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
ascwrallaaah wbr. war heedhe miyeydaan muslim ahayn ,ma xusi weydeen in aad dhahdaan inaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun.marka aad ka warameysaan nin muslim ah oo dhintay saxaafadna aad joogtaan. shame on you.