Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa maydkiisa laga helay Hotel ku yaala Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu ku geeriyooday.
Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegayaa in uu ku dhintay Suuli ku yaala Hotelka Munna Magaalada Muqdisho oo uu daganaa iyadoo duhurnimadii maanta maydkiisa la helay sida ay xaqiuijiyeen madax sare oo Baarlamanka u hadashay.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Ra’iis ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya iyadoo la sheegay in uu caafimaad qabay xiliga uu xalay seexanayay qolka uu Hotelka ka daganaa.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye Xigeenka 1-aad Baarlamanka soomaaliya ayaa xaqiijiyay geerida mudanahaasi Baarlamanka soomaaliya ka tirsan kaasi oo maydkiisa laga helay Hotelka.
Ma jirin wax garaafa ama dhaawacya ah oo lala xiriirin karo geeridiisa wallow warar is khilaafsan uu ka soo baxayo xubni Baarlamanka ka mida kuwaasi oo hadalo badan soo saaray balse xaqiiqdooda dib loo ogaan doono .
Waa Xildhibaankii ugu horeeyay ee Muqdisho ku dhinta Sanadan iyadoo Xildhibaanada Baarlamanka qaarkood ay galabta ka qeybgaleen aas loo samaynayay mudanahaasi maydkiisa la helay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.