Bartamaha (Muqdisho):- Xildhibaan Caan ah oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa saaka ku geeriyooday gudaha Magaalada Muqdisho.
Waxaa saaak Hotelka Nasa-Hablood Muqdisho ku dhintay Allaha u Naxariistee Ex-Xildhibaan Holowle Iimam Cumar oo ahaa Xildhibaan si weyn looga yaqaano Muqdisho ah.
Xildhibaan Hilowle Iimaam Cumar ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsanahay waxaana uu saaka ku geeriyooday Hotelka uu ka daganaa magaalada Muqdisho sida ay cadeeyeen masuuliyiinta Baarlamanka.
Allaha u Naxariisto Ex-Xildhibaan Holowle ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan lagu aaso gudaha Magaalada Muqdisho waxa uuna ka mid noqonayaa xildhibanao dhowr ah oo horay Muqdisho ugu geeriyooday.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika